Waraysi: Cabdisamad Gallan “Puntland cusub ayaan samaynayaa”

Waraysi: Cabdisamad Gallan “Puntland cusub ayaan samaynayaa”

0
SHARE

Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo bilihii ugu dambeeyay ciidamo ku aruursanayey deegaano gobolkaasi ka tirsan, ayaa ku dhawaaqay inuu tababar u soo xiray tiradii laga rabayna ay joogaan ciidamadii uu Puntland kula wareegi lahaa.

Cabdisamada ayaa sheegay in ujeedkiisu yahay inuu ka hortago dulmi uu tilmaamay inay  Puntland ka jiro, sidoo kale waxaa uu cambaarayn iyo eedayn u soo jeediyey xukuumadda Puntland ee hadda talada haysa oo uu sheegay inay tahay mid Kaligii talis ah.

Gallan oo waraysi siiyay Radio Garowe ayaa bilow illaa dhammaad  ka warramaya arrimaha kacdoonkiisu la xiriira, waxyaabaha uu wareysigaan oo dheer uga hadlayo waxaa ka mid ah xiriirka uu Damu-jadiid la lee yahay, iyo fikirkiisa isbaddelay wixii ka dambeeyay markii xilka laga qaaday sanad ka hor.

Waxaa uu wareysiga ku sheegayaa inuu dhisi doono Puntland cusub oo leh xuduudo iyo talo wadaag, iyo inuu dhawaan hawlgallo bilaabi doono.

This post has already been read 226424