Waan waantii Madaxweyne Gaas iyo Gen Muxiyadiin oo fashil ku dhamaatay

Waan waantii Madaxweyne Gaas iyo Gen Muxiyadiin oo fashil ku dhamaatay

0
SHARE

l6eue2t8lfwr18xm9gj1jpt81tzlmrlc-300x300Wada Hadaladii Loogu kala Dabqaadayay Madaxweyne Gaas iyo Saraakiisha
Hogaamisa Ciidanka Gadoodsan Ayaa Bur Buray kadib Kulamo Laba Geesood
ah oo ilaa shalay socday.

Madaxweyne Gaas ayaa lasheegay inuu Aqbali
Diiday Go’aamo ay isla Gaareen Raisalwasaraha, Madaxweynaha Jubaland,
Isimada iyo Saraakiisha Ciidamada Gadoodsan. Dhanka kale Guutooyin ka
Mid ah Ciidankii Gen Muxiyadiin oo Shalay Galab kasoo Dhaqaaqay
degaanka Qarxis  Ayaa Saaka Fariisimo ka dhigtay Duleedka Bari iyo Kan
Koonfureed ee magaalada Garowe

Lamana oga Sababaha Dhabta ah ee
Ciidamadaan Hordhaca ah Garoowe u Soogaareen. Inkastoo Wali ay Garowe
ku  suganyihiin Waftiyada DFS iyo Jubland hadana majirto Natiijo
Lasugayo oo Qaboojinkadha Xiisadda Hadda Taagan. Waxaa Ciidamada
Gen-ku  Hogaamiyo Saaka Ku Biiray  Ciidan Ka Goostay Dhanka Dawladda

waxaana Muuqata in Genka ay  Taageersan yihiin inta badan Ciidanka
Qalabka sida ee Puntland kuwaas oo ay Ka Maqantahay Xuquuq Muddo Dheer
ah. Iskusoo wada  wada Duuboo Waxaa Xaalad kac Sanaan ah laga
Dareemaya Guud ahaan Caasimada Puntland ee Garowe

This post has already been read 39124