“Tegitaanka Siciid Xasan Shire, Waa Dhaawaca Madaxweyne Gaas”

“Tegitaanka Siciid Xasan Shire, Waa Dhaawaca Madaxweyne Gaas”

0
SHARE

Qubanaha Puntlandtop

28 Oct. 2015 Ma waxay aheyd maalin taariikhda u gashay markii ugu horeysay in Baarlamaanka Puntland ay xilka ka qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland, mise arrintu waxaa  “Afgambi aan dhiig ku daadan”?

Haddii aynu hoos ugu daadegno ama faaqidno khasnadaha siyaasadda ee qufulada waaweyni ku jabsan yihiin waxaa adag in si dhab ah loo fasiro hallgaadda gaadmada ah ee ku dhacday Siciid Xasan Shire; Guddoomiyihii Golaha Baarlamaanka Puntland oo waaberigii hore ee Arbacada 28 Oct. 2015 ku dhawaaqay in uu baneeyey xilkii uu Golaha u hayey, isagoo sheegay in ciidamo qabsadeen xaruntii Golaha xaaladuna Afgembi ay tahay.

Xeeldheerayaasha Siyaasada mikriskoobka ku eega ayaa waxay soo sheegayaan in Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland uu eersaday fallaar ay Goluhu ku ganeen ama  la beegsadeen Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas in isagu uu shafka u dhigtay, taasina ay sababtay in ay soo dedejiso in Gudoomiyuhu weydaarto karkaarada.

Madaxweyne Gaas oo furitaankii Golaha Wakiilada Puntland ku dhiiqday in uu ka qanciyo su’aalihii la soo hordhigay ayaa xeeldheerayaashu sheegayaan in uu jiray isu dhowaasho siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay u dhexeeyey isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, sidaas awgeedna uu u ogolaaday in uu dib ugu noqdo magaalada Gaalkacyo oo Madaxweynuhu uu bilihii ugu danbeeyey xoogga saaray in uu u yeelo muuqaal la mid ah kan  magaalada New York ee wadanka Mareykanka, haseyeeshee, qaylo dhaan Guddoomiye Siciid uu telefoonka ugu gudbiyey Madaxweynaha ayuu ugu sheegay in xaaladu ku cakiran tahay “Maxaan qaban karaa” waa hadalkii C/weli maqashiiyey dhegaha Guddoomiyahii Baarlamaanka, waxaana xigtay in telefoonkii Madaxweynuhu khadka ka baxo, ma isagaa demiyey mise dabkaa ka dhacay ayaa Siciid Xasan Shire is weydiiyey?

Mudo sannad ka badan ayaa waxaa xumaa xiriirka Madaxweyne ku xigeenka Md. Caamey  iyo Guddoomiyahii Baarlamaanka Siciid Xasan Shire, mudadaas hadal dhex mara iska daaye waxaa la sheegay in aysan salaanta iska qaadin, Md. Caamey oo inta badan fadhigiisu yahay magaalada Garoowe ayay ula  muuqatay in la soo gaaray xiligii uu ka aarsan lahaa Siciid Xasan Shire, wuxuu aroornimadii Arbacada ciidamo iyo Tikniko xoog leh tuumiyey xarunta Golaha Baarlamaanka isagoo ciidamada ku amray in ay si adag u ilaaliyaan ammaanka xarunta Golaha ayna xabsiga dhigaan Xildhibaanada fawdeeya Golaha mudada ay socoto xil ka qaadista Gudoomiyaha, maadaama tiro ka badan 40 Xildhibaan ay doonayeen in subaxii Arbacada ay xilka ka qaadaan Gudoomiyihii is casilay Siciid Xasan Shire.

Arrintu waxay u dhacaday sidii uu doonayey Md. Caamey, maadaama uu sanadkii la soo dhaafay isu arkayey in uu ahaa xabad galey ah oo u dhexeysa Kal iyo Mooye is garaacaya.

Aragtida Madaxweyne Gaas uu ka qabi karo Tareeka uu raacay Guddoomiyihii Baarlamaanka ayaa xeeldheerayaashu aragtiyo kala duwan ka bixinayaan, sida:-

1.     In ay ku tahay dhabar jab, maadaama xiligaan ay si weyn isugu soo dhowaadeen isaga iyo Guddoomiyuhu uuna ahaa gidaar wanaagsan oo laga harsan karo aafada xubnaha Baarlamaanka qaarkood ka soo butaacaysay.

2.     In ay ula muuqato in meesha uu ka tegay nin jacjuur ah oo madax adag, waxna aan fahmi karin,  qabiilkuna uu madax maray.

3.     Ninkii qayrkiis loo xiirayoow soo qoyso, taasina ay muujineyso in mindida saawirta ah ee Golaha Baarlamaanka Puntland in ay qoortiisa saaran tahay.

Faanoole Fari kama qodna, kumuu noqon doonaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland? ma Dhoobo Daarood mise Axmed Cali Shire, markaas ayaa si rasmi ah loo ogaan doonaa jihadda runta ah ee siyaasadda Puntland u foorarsan doonto.

Su’aalaha adag ee ay qabaan Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ugu waaweyn lacagta Kunka Shilin ee la daabacay iyadoo Guddoomiyaha ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Puntland C/xamiid Sh. C/salaan oo iminka noqday ku simaha Guddoomiyaha la dooran doono ayaa ah mulkiilaha madbacadda daabacdda lacagta Sh.So. ee bangiga Boosaaso.

 

Inta badan dadweynaha Puntland waxay soo dhoweeyeen tallaabada Golaha Baarlamaanka Puntland, waxayna ula muuqataa in uu furmay albaab mudadii Puntland ay jirtay quful adagi ku xirnaa, waxaana ay is weydiinayaan “Tolow maxay noqon doontaa tallaabada ku xigi doonta”?

Khuurada Faroole, Il balacleynta Faarax Cali Shire, Gunti giigsiga Cali Xaaji Warsame, Seefta Baarlamaanka Puntland oo galka laga siibay, Maxaa Xigi doona? waxaynu ku eegi doonaa Faalladda soo socota ee kaga boggo puntlandtop.com

Xuquuqda Qoraalka

Puntlandtop.com

This post has already been read 200224