Somalia: ​Ra’iisal wasaaraha Cusub oo xilka wareegay

Somalia: ​Ra’iisal wasaaraha Cusub oo xilka wareegay

0
SHARE

Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay dhigiisii hore xafiiska ugala wareegay dhigiisa ka horeeyay Cumar Candirashiid.

Xaflada ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayay labada mas’uul xilka ku kala wareegeen, waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin  uu kamid ah ku xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey.

Mr. Kheyre oo ka hadlayay xafladda xil-wareejinta ayaa uga mahadceliyay Cumar Cabdirashiid howshii uu qabtay mudadii uu xilka hayay, waxaana uu ku ammaanay sida wacan uu uu maanta xilka ugu wareejiyay.

Sharma’arke, ayaa hayay talada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia tan iyo December, 2014, isagoo xilligaasi ahaa Safiirka Somalia ee dalka Mareykanka mud kooban

Cumar C/rashiid wuxuu 3 sano lasoo shaqeeyay dowladdii  Xasan Sheekh Maxa’uud, Madaxweynihii hore ee dalka Somalia, oo dhawaan looga adkaaday dooarshadii ka dhacday Muqdishu February 8.

Xasan Cali Kheyre oo la dhaariyay malaintii shalay, sidoo kalena ay ansixiyeen Baarlamaanka Xildhibaanadiisa ayaa 30-ka maalmood ee soo socoto laga sugayaa inuu soo dhiso Gole wasiirro.

This post has already been read 55024