SHIRQOOLKII, QAYBSIGII SIYAASADEED EE SALDANADA YAGLEELKII PUNTLAND.

SHIRQOOLKII, QAYBSIGII SIYAASADEED EE SALDANADA YAGLEELKII PUNTLAND.

0
SHARE

Makala haraan siyaasada iyo dhaqaaluhu,1998 markii laysu keenay beelaha puntland looma dhamayn ee waxa meesha yimid marka laga reebo labo nin dad maqaarsaar ah oo loogu talagalay inay sixiixaan hawsha la gudoomiyo oo kaliya oon lahayn aqoon iyo shaqsiyad midna

Labada nin midi waxa uu kasoo jeeday gobolka sanaag nina gobolka sool labadiiba intii kalaa laga horkeenay waana la caburiyay hareeraha ayaa looga qayliyay kalibay noqdeen.waxaa arinta beelaha watay ragaan hoos ku qoran iyo kaba qabiiladooda.

Marxuun Cabulaahi yusuf =siyaasi
Marxuun islaan cabdulle=kabaqabiil
Maxame abshir haaamaan=siyaasi
Marxuun islaan maxamed=kabaqabiil
Marxuun cabdulaahi kingkon=siyaasi
Marxuun boqor maxamuud =kaba qabiil

Waxay yeesheen shirgaara,oo ka dhan ah beelaha ku bahoobay puntland,waxay sameeyeen nidaam kusalaysan danahooda beeleed oo ah sidan soo socota. kaasoo lagu jaangooyay habmaamul oo jiilba jiil ka dhaxlo,nidaamakan oo ah kii aduunyada looga dhaqmi jiray ka hor dagaalkii koobaad ee dunida iyo dagaalkii labaad 1918-1945.waana fikir laga dhaxlay gumaysigii talyaaniga ee dalka yimid.waxaana aduunyadu ogaatay hadii dadka laga soo wadaqayb galinwaayo,siyaasada,dhaqaalaha,go aanka gaaristooda iyo fikirka dhiibashadooda oo laqiimayn waayo,si garba siman ah in wax lagu dhisto iyo cida ku haboon aqoon ahaan iyo hogaan ahaanba la eegi waayo,waxa dhaxal u ah burbur iyo
colaad iyo hormar la aan kuwa saldanada haysta ee ku saleeyay habka nin jeclaysiga eexda iyo sadbursiga waxa ka dhexeeya umada.waxa faraha kabaxaya uun saldanadoodii dhiigmiiradka kusalaysan.

1.Casimada ciisaa leh waana lamataabtaan

2.kursiga madaxweeyne waxaa leh beesheena (Maxamud saleebaan) raga shirka fadhiya Waana meerto .Galgale isagu howshan kuma jiro.

3.Hadii madax weeyne soomaaliya aan helno Puntland waxaan qaban isla beesha qof ka mid ah tusaale kursiga madaxweyne hadii Cumar qabto beesha Cismaan ayaa Puntland.

4.madaxweeyne kuxigeen had iyo jeer waxa leh SOOL ,hadba jifadii loo arkaa lasiin.weliba mida aan dhibka nagu heyn

5.booska afhayeen baarlamaan waxaa iska leh had iyo jeer SANAAG sida raxanweeyn ahan jirtay.
si saldanadan ay u haato mid waarta oo leh sal fadhiya waxaa lagama maarmaan ah in aan ilagaara ku hayno majeerteenka gaar ahaan kuwa dagan mudug iyo bari dhaqaalaha lagala dagaalamo mar walbana dhexdooda lasku diro ,kuwani
kursi marabaan bari dagan dagaalna marabaan waa lamaamuli karaa.si taaloo hirgaliyo aan uqaybino golaha baarlamaanka puntland 66 xubnood oo kala ah
sidan,anagoo yaraynayna xubnaha mudug marwalba.

G.bari 21 xubnood
G.sool 14 xubnood
G.nugaal 10 xubnood
G.mudug 10 xubnood
G.sanaag 11 xubnood

shaxdan beesha gaarka ahi dagtay oo kusalaysantahay puntland waa mid u adeegaysa dano beelo gaara,waxaa cadaalad daro ah in sidan ay ufakaran waana arinta keentay in hada shacabka reer puntland ka aamin bexeen magacan puntland ee lagu qaraabanayo umadana lagu dhagrayo.waayo maha wax loo
dhanyahay siyaaso ahaan iyo dhaqaalo ahaanba.
codka 66 xubnood waa shax macnaheedu yahay in cid kale aanay soobixi karin oo dad gaara qorsheeysteen waxaana weeye 21 bari waxaa soo xulay oo looxilsaaray QARDHO,waalaga horjoogsaday in xubnuhu noqdaan dad ay beel waliba dhab ahaan iyadu soo xulatay oo ah kuwa u hadlaya xuquuda beeshooda iyo dagaankooda tan waalaga ilaaliyay.NUGAAL waa 10 xubnood,Mudugna waa 10
xubnood,isku soo dar waa 41 cod,ka jar codka haray 66 dii xubnood
codkooda,waxaa soo haray 66-41=25 cod sidaasaa meeshu dadgaara uugu
xirantahay sool iyo sanaagna haday israacaan aysan usoo baxaynin.beelaha
mudug dagana horaa looga fakaray oo cabdulaahi baa xaqoodii cagta saaray,oo codba malaha ay kutaageeraan sool iyo sanaag,beelaha artoble,leelkase,cali ibraahim iyo maxamuud ibraahim,baha majeerteen oo gobolka mudug ah waxba
kumalaha 66 xubnood marka laga reebo nin cali ibraahim ah iyo maxamud ibraahim bas!!! halka
QARDHO ay bari u qoondeeyeen 21 kursi,cabdulaahi mudug cagtuusaaray waana arin mudan taariikh iyo isbarasho horleh.

This post has already been read 119324