Shabaab Oo Madaafiic Khasaaro Geystay Ku Garaacay Nawaaxigga Madaxtooyadda Soomaaliya

Shabaab Oo Madaafiic Khasaaro Geystay Ku Garaacay Nawaaxigga Madaxtooyadda Soomaaliya

0
SHARE

Kooxda Al-Shabaab ayaa Hoobiyaal ku garaacay Nawaaxiga Maaxtooyada Soomaaliya ka dib markii ay dhamaatay Munaasabadii xilwareejinta ahayd ee Madaxweyne Farmaajo uu maanta xilka kula wareegay.
Hoobiyaasha oo bartilmaameedkooduu uu ahaa Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa ku dhacay meel aan aad uga fogayn Villa Soomaaliya, waxaaana tirada Madaafiicda lagu sheegay illaa Shan Hoobiye.
Mid ka mid ah Madaafiicda ayaa ku dhacay Guri ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku dhintay laba Carruur oo walaalo ah.
Carruurta ayaa daganaa Guri jiingad ah, waxaana falkan aad uga naxay dadweynaha Soomaaliyeed, waxaana uu ka mid yahay falalka Arxan darada ah ee Argagixisadu ay ka geysato Muqdisho.

This post has already been read 39024