Saamilayda Puntland Rashiid, Gaas iyo Faroole oo goor dhow ansixin doona...

Saamilayda Puntland Rashiid, Gaas iyo Faroole oo goor dhow ansixin doona qaadashada 4.5

0
SHARE

Waxaa garoowe lagu soo afmeerayaa shir balaaran oo lagu ansixin doono qaadashada nidaamka  afar dhibic shan, kaasoo horay Shacabka Puntland iyo maamulka madaxdeeda diideen in dib loogu laabto nitaamka qabiilka ku saleysan.

Waxaa maalmahan si hoose wada-xaajood uga socday Caasimada Puntland ee Garoowe Saamileyda Puntland Madaxweyne Gaas, Faroole iyo Cumar Cabdirashiid oo la rumaysan yahay inay yihiin siyaasiyiinta metesha Beelaha Puntland degan. Waxay raggan isjiid jiid kadib isku raaceen in maanta la ansixiyo qaadashada afar dhibic shan nidaamka doorashada soomaaliya ee lagu soo xulayo Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya.

Magaada Garoowe waxaa maanta ku soo qulqulaya Hogaamiyaasha Beesha Caalamka oo ka qeybgalaysa xaflada lagu saxiixayo aqbalaada 4.5 oo in muddo ah shacabka Puntland lagu qufulay qaadan meyno 45.

Waxaa aad looga dhursugayaa go’aamada maanta ilaa beri madaxda Metesha Beelaha Puntland ee siyaasadda Soomaaliya iyo Puntland garwadeenka uga ah waxa ay bedelka qaadashada ku maslaxaan guuxa iyo diidmadii faraha badneyd ee bulshada Puntland ka buuxiyeen kolkii hore.

Waxaa dad badan oo reer Puntland ah ay aaminsan yihiin in Gaas, Faroole iyo Mr. Rashiid  ay isku arkaan Mulkiilayaasha Bulshada Puntland iyaga meel ugu xareysan oo markay dano leeyihiin kiciya markay dantooda dhaqaale iyo Korsi helaan dajiya

Waxaan ku soo gaba gabaynayaa  tixdan uu tiriyay Qamaan bulxan,  tuducdiisuna ay u dhacaysay  xishoodka qaar waxaad leedahay ayaad ku waydaa  hadii  aan lagu  xurmayn adiguna ha xishoon

“Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diideyne

Dhedigaanshahaa lagu arkiyo dhiigga caadada’e

Haddaanay dhiilka caana ah lahayn laguma dhateene

Wax ka dhigan gobtii dhawrsateen ceeb ka diidhiyine”

This post has already been read 82024