RW Xasan Cali Khayre oo aqbalay magacaabista Farmaajo

RW Xasan Cali Khayre oo aqbalay magacaabista Farmaajo

0
SHARE

Xasan Cali Kheyre ayaa aqbalay magacaabista uu Madaxweyne Maxa’ed Cabdullaahi Farmaajo u doortay inuu qabto xilka Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Somlia.

Kheyre ayaa sheegay inuu aad ugu faraxaan yahay xilka loo magacaabay, wuxuuna ballan qaaday inuu si hufan oo daacadnimo ku jirto ula shaqeyn doono Madaxweyne Farmaajo.

“Haddii ay i ansixiyaan Baarkamaanka, waxaana soo magacaabi doonaa Gole wasiirro oo ku shaqeyn doono Rabitaanka shacabka iyo Hadafka Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan dib usoo celinta Somalia,” ayuu yiri RW Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa intaasi ku daray in uu la imaan doono qorshe cusub, oo uu wax uga qabanayo caqabado dhanka amniga, Dhaqaalaha iyo abaaraha dalka ka jiraan, oo hadda wax ka qabasho u baahan.

Wuxuu fariin u diray shacabka Somaliyeed, inay gacan ku siiyaan sidii ay u gudan lahaayeen xilkan ammaanada ku ah.

Farmaajo ayaa 49 jirkan siyaasadda ku cusub u magacaabay Ra’isal wasaaraha Somalia, isagoo ku sugnaa waqtigaas magaalada Muqdishu balse safar u ahaa Sacuudiga, wuxuuna jagadan ku baahiyay bartiisa twitter-ka.

Habkan wax loo magacaabay ayaa ku cusub qaabka horay mas’uuliyiinta Somaliyeed wax u shaacin jireen.

Xasan Cali Kheyre waxa uu 1968-dii ku dhashay magaalada Muqdishu, waa 49 sano jiro kasoo shaqeeyay Hay’adda Qaxootiga Norway ee NRC, oo Agaasimaha uga soo noqday Somalia iyo Yemen.

Waa Shaqsi Siyaasadda ku cusub, oo haysta dhalasha dalka Norway, oo magangelyo ka helay markii uu dalka ka billowday Dagaalkii sokeeye 1991.

Mudane Kheyre, wuxuu mudooyinkii dambe ku noolaa UK, oo Agaasime ka yahay shirkadda shidaalka ee Som Oil and Gas, uu u qaabilsan yahay qeybteeda Bariga Afrika.

This post has already been read 46324