Puntland magaca iyo Calanka ismalaha

Puntland magaca iyo Calanka ismalaha

0
SHARE


Magaca Buuntu

Jiritaanka magacaas waxaa billowgii laga helay qoraallo ay ka tagtay boqortooyadii 5aad ee Dhulkii Fircoonnada, gaar ahaan xilligii Boqor Saxuure oo laga joogo in ka badan 4400 sano. Macnaha eraygu waa udug, wuxuuna ku muteystay Dhulka S/liyeed xabkaha carafta badan ee dunida naadirka ku ah, sida tan laga dhiimiyo geedka Moxorka ee loo yaqaan beenyo ama foox iyo tan aad qaaliga u ahaan jirtay ee loo yaqaan Maydi ee laga dhiinsho geedka yaabka leh ee aan xididda laheyn ee ka dulbaxa dhagaxa salliga ah, marar badanna ka baxa qararka sare.

Dhulka P/land ee xabkahaasi ku badan yihiin waa gobolladii hore loo oran jiray Bari iyo Sanaag oo haatan ka tirsan Dawladda P/land ee Buuntu. Dhulkaani waa dhul taariikhi ah oo haddii si wanaagsan loo baaro laga heli karo dhammaan raadadkii aadanaha iyo ilbaxnimooyinkii uu sameeyay. Wuxuu hormood ka yahay xirfadda magaca soo jiidday ee faleenka iyo dhaqan-badeedka oo tan iyo waagii qofku bilaabay loollonka nolosha, dhulkaani ahaa, yahayna bar door ah. Qeybtaan S/liyeed waa tan kaliya ee xad la leh Badweynta Hindiga iyo Gacanka Barbar (gulf of Aden).

Beeraha xijiga(QANDALA-CALUUNA -XAAFUUN-BARGAAL-BAYLA- BOSASO)
Waxay ku yaallaan silsiladda buuraha goolis, gaar ahaan Cal-Madow iyo Cal-Miskaad. Waxay ku badan yihiin Cal-Miskaad, waliba inta u dhexeysa Majare ilaa xeebta Qandala iyo Caluula.

Qeybaha Xijiga
1- Beeyo oo loo kale saaro
– Casaan: gudguduud
– Caddaan: cadcad
– Qolof: oo jilifta geedka
– Shooto: haska iyo jajabka

2- Maydi oo la kale saaro
– Mashaad: xabagta dhaadheer
– Majarwal: iniino cadcad
– Jabaanjab: xabag madow
– Shooto: haska
madaama uu dulkaasi beerahaas kumagac baxay waxay ahayd in geed xijiya uu Calanku lahaado,,,

 

 

This post has already been read 55324