Puntland: Guddoomiyihii gobolka Sool oo shil-gaari ku geeriyooday

Puntland: Guddoomiyihii gobolka Sool oo shil-gaari ku geeriyooday

0
SHARE

Guddoomiyihii gobolka Sool ee dhinaca Puntland, Mukhtar Mahad Cawad ayaa maanta ku geeriyooday inta u dhaxaysa magaalada Garowe iyo degmada Laas-caano.

Mas’uulkan ayaa dhintay kadib markii uu qalib-may gaari Land-cruiser-ah oo ay la socdeen isaga iyo labo kamid ah ilaaladiisa.

Shilkaas waxaa sidoo kale ku geeriyooday mid kamid ah is-taafkiisa halka kan kale dhaawac culus soo gaaray.

Lama oga waxaa shilkaas keenay, balse Guddoomiyaha ayaa kayimid dhinaca degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Shilka ayaa ka dhacay Nawaaxiga deegaanka Bixin oo kaabiga ku haya caasumadda Puntland.

Maydka iyo dhaawaca Gaddoonka gaarigaas uu sababay ayaa la keenay magaalada Garowe caasumadda Puntland

Waxaa la filayaa in lagu aaso xarunta maamulka Puntland, halka ruuxa dhaawaca ah lagu dabiibayo Cusbitalka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland.

Guddoomiyaha dhintay ayaa muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa arrimo ay kamid tahay gurmad loo samaynayay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan gobolka Sool.

Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u shaqo badan sida ay GO u sheegeen qaar kamid ah asxaabtiisa.

 

This post has already been read 39524