MAXAY ISAGA MID YIHIIN XISBIGII NAASIGA OLDOF HITLER IYO XISBIGA XAG JIRKA...

MAXAY ISAGA MID YIHIIN XISBIGII NAASIGA OLDOF HITLER IYO XISBIGA XAG JIRKA AH EE 18KA SANO HEYSTAY PUNTLAND

0
SHARE

Dadka siyaasada sida dhabta ah ula socdaa waa ogyihiin mashaakilka ka dhex aloosan puntland ee shacabku ka gadood sanyahay.Hadaba aduunyadan aynu ku noolahay,waxaa jira dad yoow xag jir ah oo u tafa xaytay inay xukunka ku habsadaan kana dhaariyaan dadyawga lawadaaga oo uula siman xukunka iyo talda dalkaas.mayal adaygani waxa uu salka ku hayaa dikteeytarnimo iyo kali talisnimo waarta.hadaba xisbiyada noocaan ahi sida aan ku hayno taariikhda way guul daraystaan meel xuna ku danbeeyaan sida xisbigii Hitler ee xagjirka ahaa.
Waxaan wax yar shacabka u soo bandhigayna afkaaraha xisbigan xag jirka ah qaar kamid ah oo shacabka puntland aan u aragnay in ay lagama maar maan u tahay in ay ogaadaan. hoos ka aqri waxa ay aamin sanyihiin xisbigu.


1.In xukunka puntland awood buuxda lasiiyo madax waynaha marwalba,kaasoo ka imanaya xisbiga uun.

2.In kursiga madaxwayne aanay hawaysan beel majeerteen ahi,hartiga iyo daaroodka puntland dagana lasiiyo madax Wayne ku xigeen iyo afhayeen baarlamaan iyo wasiiro aan xarun laheen.

3.In fiiro gaara loo yeesho beelaha khatarta inagu ah oo xooga leh sida Cali ibraahiim Biciidyahn ,Reer Maxamuud, Cali saleebaan iyo Siwaaqroon ,oo iyagu kusii darsaday dhaqaale,waa in laga ilaaliyaa inay midoobaan tanoo halis inagu ah xukunkana aan ku waayayno.

4.Beel weynta majeerteen waa in aysan is raacin si taa loo xakameeyana waa in xubnaha baarlamaanka aynu ku yaraynaa,kuwooda tunka wayna aynu siinaa midkiiba hal xubin oo kaliya taasoo aan ka xula nayno kooda uugu liita oo aan wadan karo,

5.Hadii beelha majeerteen kursiga inagu qabsadaan waa inaan u adeegsanaa,hartiga kale madaxwayne ku xigeenka iyo afhayenka baarlamaanka lacag badana galinaa,waana in lakala dhawraa is fahan dhexmara iyo kalsooni majeerteen intiisa kale iyo hartiga iyo daaroodka puntland dagan.

6.Si xukunkeenu u waaro,waa in aynu hantinaa ilkastoo dhaqaale ah canshuurtana aynu dadka ka qaadnaa si dadku inoogu baahdo oo inoo hoos joogo.wixii heshiis dhaqaale ee shirkad dibada ah dalka timaad waa in aysan cidkale u gacan galin.shilinku waa in uu ku jiraa gacan teena marwalba.

7.Waa in aynu xooga saaraa in aysan beeluhu samaysan maamul inala tartama oo inaga hoos dhasha.

8.waa in wax qaybsiga iyo siyaasada aynu la wadaagayno soomaalida kale halkan uu ka baxaa xubno xisbiga ah oo afkaaraheena xanbaarsan iyo xubno carbisan oo aan wadan karo khatarna inagu ahayn codkana aan meel inaga gayn karin.

9.Waa in aan dhaqaale ka abuurnaa puntland isla markaana aan siyaasada dalka ku gorgortanaa puntland ka isbi ahaan.

10.Caruurta xisbiga waa in loo taba baraa siyaasada,waxbarashada dibadahaa deeq lagu helana waa in 90% ay iyaga noqdaan.

11.Xisbigu waxa uu ka qoomameeyay,jabinta xeerkiisii qodob ka mid ahaa kadib markii loo ilduufay in lamagacaabo dagmada CARMO taasoo u dhacday si lama filaan ah guul darana noo ah.iyadoo dib loo cusboo naysiiyay xeerkii ayaan adkaynaynaa in Gobolka mudug magaalooyin hada aad u kobcay dhanwalba sida MAGAALADA DAARASALAAM IYO MAGAALADA CAGAARAN in aan loo aqoon san dagmooyin puntland ah si halkaa aysan mustaqbalka dhaw aysan dagaan ku helin kuraas.waa in la adkeeyaa arinkaas iyo sidoo kale Goldogob weligeed degmo iska ahaato

12.Xisbigu gobolka iyo dagmooyinka uu maga cawday taniyo intii uu hantiyay talada puntland waa guul maantana puntland bay kamid yihiin helaan dhaqaale iyo kuraasba.waana in lamaal galiyaa deegaanka xisbiga shacabkiisu dago oo dhan.kana hormarsan yihiin deegaanada kale ee puntland.

13.Waa inaan xoojinaa siyaasadeenii ahayd qaybiyoo xukun shacabka puntland.

14.Kii ina mucaarada waa in aan ka horkeenaa shacabka inagoo uu gu yeerayna waa shabaab,puntland buu duminayaa,hawiyaa soo diray,soomaaliland baa soo dirtay.borobogaandada iyo saxaafada waa inaan u isticmaalaa. dadka waa in la cabsi galyaa marwalba.

15.Waa in aynu diidnaa dawlad dhexe oo xoogleh,waa in fadaraal ka dhignaa soomaaliya kuna qasabnaa si xukunkeena puntland u jiro waligiis.

16-Waan in xubnaha beesha majeerteen 12ka kursi oo ay ku leeyihiin baarlamaanka dowlada dhexe beeshu ay qaadataa 7 xubin iyo wax ka badan beesha galgalana ay mar walba xubin joogta ay helaan.

17- Si aan usii heysano gobolka mudug waa in kala fogeeyaa beelaha Cali Ibraahim (Reer Bicidyahan)iyo Maxamuud Ibraahim (Reer Maxamuud) si aysan isku xulufeysan sidoo kale il gaarna ahna lagu hayaa beesha Leelkase .

 

This post has already been read 125624