maxaad ka taqaan barta lagu dhasho?

maxaad ka taqaan barta lagu dhasho?

0
SHARE

Maxay yihiin?
Waxaa jira bara ku yaalla maqaarka ilmaha dhasha waxaana badanaa loogu yeeraa “baraha dhalashada”. Way koraan qaab ahaan waxayna badanaa ku yaalliin maqaarka sida marinada dhiigga dushooda (waxaa markaas loogu yeeraa astaanta halbowlaha ama (haemangiomas) ama unugyada midabka, (waxaana markaas loogu yeeraa astaamo midab).

Sababta lama yaqaan.
Caruurta badankood kama qaadaan dhibaatooyin badan baraha badankoodna uma baahna wax daaweyn ah.

Astaanta halbowlaha (haemangiomas)
Calaamada guud ee halbowlaha oo waxay u muuqataa guduud dhereran oo surka kaga yaal ilaa 50% ayeyna ku taallaa carruurtu markay dhashaan. Waxay marmarka qaarkood kaga dhacdaa caruurta meelo kale oo madaxa ah ama luqunta. Mida wajigu badanaa way baaba’daa mudda dhan shan sano laakiin kuwa gadaal ku yaal halkooda ayay ku raagaan.

Mida soo kacsan oo ah astaanta halbowlaha waa mida ah haemangioma, ama strawberry naevus. Waxayna muuqataa dhowr bilood dhalashada ka dib, waxayna ka duwan tahay mida dherersan oo lagu dhasho. Waxay u kortaa si degdeg ah mudda lix bilood ah waxayna samaysaa bura soo kacsan oo jilicsan wayna kala duwan tahay waxayna u dhexeysaa ilaa nus sentimeter ilaa dhowr sentimieter. Ilaa 10% carruurta dhalata ayaa yeellan kara haemangiomas-ka.
Badankood waa iska guraan waana baabaáan dawa laáan.
Marmarka qaarkood mid weyn oo buro oo kale ah ayaa ka soo baxda indhaha agtooda, sanka ama afka ayaana laga yaabaa inay u baahdaan daaweyn. Midaan waxaa lagu baabiín karaa laysar khaasa.
Marmarka qaarkood, waxaa dhakhtarku u qoraa qadar yar oo ah cortisone, taas oo laga qaadanayo afka taas oo joojin doonta koritaanka haemangiomas-ka baaxada weyn.

Astaanta midabka
Astaanta midabka waxaa ugu wacan siyaadida unugyada midabka oo ka siyaadey (melanocytes) maqaarka intiisa kore.
Midkaani waa dhul siman oo buni ah iyo madow xigeen kaas oo badanaa lagu arko qaarka dambe xaggiisa hoose. Badanaa waxaa lagu arkaa markuu ilmuhu dhasho dhibaatana ma keeno. badanaana waxaa lagu arkaa carruurta maqaarkoodu madow ama mugdi xigeen yahay
Dhibcaha loo yaqaan Mongolian spots waa baabaáan aakhirka.
Burada lagu dhasho ee loo yaqaan melanocytic naevus (birth mole) cidna wax ma yeesho koridiisuna midabka unugyada laga hello ilmaha markuu dhasho ama wuxuu ka muuqdaa bilaha ugu horreeya.
Dhibcahaani way ku kala duwan yihiin baaxad ahaan waxayna ka bilawdaan millimetre ilaa dhowr sentimetre waxaana laga yaabaa inay kor u kaco aana lana arki karin marka la dhinac dhigo dhibicda loo yaqaan Mongolian spot taas oo ah mid weyn.
Burooyinka badankood ilmuhu ku dhasho may laha wax khatar ah oo noqon kara kansar sidaas darteed uma baahna daaweyn. Si kasta arrini ha ahaatee, mararka qaarkood kuwa aadka u waaweyn in ka badan 20 cm ballar ahaan ayaa noqonkara khatar la xiriirta kansarka maqaarka.
Qaababka daaweynta oo ay helli karaan burooyinkaas waxaa ku jira in qaliin lagu gooyo mararka qaarkoodna waxaa lagu daweeyaa laysar.
Burooyinku badanaa ma jiraan xilliga ilmuhu dhasho. Waxaa siyaadaa midabka ay sameeyaan unugyada midabku (melanocytes). Waxay ku
dhacaan carruurta intay yar yihiin qoraxduna kulushahay waxayna kaga dhacdaa camanka, gacmaha gadaashooda ama calaacasha gadaasheeda.
Burooyinka waxaa laga yaabaa in lagaga hortegi karo qoraxda oo si fiican laysaga difaaco. Burooyinkaasi kama muuqdaan markuu ilmuhu dhasho waxayna u badan yihiin inay ilmaha ka muuqdaan markuu koro ama qaangaar noqodo.

 

This post has already been read 90824