Maxaa sababa kabaabyada?

Maxaa sababa kabaabyada?

0
SHARE

Kabaabyada ama kabuubyada (Paraesthesia / Tingling / Pricking / Numbness / Pins & Needles sensation) waa dareen qofka ka dareemo maqaarka.
Dareenka kabuubyada waxaa loo kala qaadaa mid joogto ah iyo mid ku meelgaar ah.

Kabuubyada aan joogtada aheyn waxay u badanyahay gacmaha iyo lugaha, waxayna ka dhalataa cadaadis la saaray dareen side (nerve) taasoo ka dhalanaysa in dareenka uu ka tago qeybta neerfahaas uu dareenka siinayay.
Dareenka wuxuu si aayar ah ugu soo laabtaa gacanta ama lugta la cadaadiyay in muddo ah ka dib.
Waxay kaloo ka timaadaa kabuubyadaan haddii aad iska joojisay daawooyinka qaar ka mid ah oo aad qaadan jirtay sida “Paroxetine ama Fluoxetine”.

Kabuubyada joogtada ah waxay tilmaamaysaa in ay jirto:
Dhibaato xag neerfo ah

Dadka waayeelka ah in qulqulka dhiigga ee lugaha iyo gacmaha uu laciifo
Nafaqo darro iyo yaraanshada fitamiinnada qaar sida fitamiin B5 iyo B12.
Cudurrada kala ah: Sonkorowga ama Macaanka, shaqo yarenta qanjirka troodhka.
Jirro kala goysyada ah oo dhaawacday neerfo sida roomaatiisamka, xanuun ku dhaco jalaqda una badan dadka kumbuyuutarka aadka u garaaco “Carpal Tunnel Syndrome”.
Dhaawac toos ah oo ku dhaco neerfaha.

Waxaa kaloo jiro cillado kale oo badan oo keeni karo kabuubyada sida:
Dadka cabo Khamriga
Isticmaalka daawooyinka qalalka
Diiqada / Niyadjabka
Fuuqbaxa
Bootaasyam yarida
Sonkorta oo ku yaraato dhiigga
Haweenka dhalmo deyska ah
Madax xanuunka Migrain
Daawooyinka suuxdinta.
Iyo kuwo kale

Haddii kabuubyada ay noqoto mid joogto ah waxaad u baahantahay in aad la xiriirtid dhakhtar guud si uu u kala sooco cudurradaan aan kor ku soo sheegnay, kadibne daryeel u heshid

Badanaa kabuubyada ku dhacdo gacmaha iyo lugaha waa mid ka dhalatay cadaadis ku yimid neerfo, khaas ahaan sida aad sheegtay in ay tahay kabaabyo kaa heyso far kaliya.
Bal gadaal u fikir ma jiraan cadaadis dhawaanahaan aad saartay fartaada tusaale ahaan in aad imtixaanno ka shaqeynaysay oo qalinka cadaadis kaa saaray farta ama suxulka aad meel ku dhufsatay ama cillad kale ay jirto

 

This post has already been read 93624