Madaxweyne Farmaajo oo la caleemo-saaray

Madaxweyne Farmaajo oo la caleemo-saaray

0
SHARE

Madaxweynaha cusub ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta lagu caleemo-saaray magaalada Muqdishu kadib munaasabad ay soo xaadireen in kabadan 120 wakiil iyo madaxweynayaal kasocday beesha caalamka.

Caleemo-saarka oo ka dhacay xarunta Afisiyoone, waxaana sidoo kale joogay Madaxweynayaashii hore Somalia, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh kuwaas oo ka jeediyay khudbado qiimo badan oo umadda Somaliyeed kula dar-daarmeen inay la shaqeeyaan dowladda cusub iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay marxaladda dalku marayo.

Waxaa sidoo kale Joogay Madaxweynayaasha Jabuti, Kenya iyo Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia kaasoo Muqdishu ka dhoofay xafladda oo socota.

Lama oga sababta Hailemariam Desalegn, uu u sugi wayay intay ka dhammaanayso munaasabadda, balse khudbad kooban uu jeediyay, wuxuu ku sheegay inay garab taagnaan doonaan Somalia islamarkaana wuxuu hambalyo u diray Madaxwyenaha cusub.

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa isaguna sheegay inay diyaar u yihiin sidii Somalia ay uga caawin lahaa dhinacyada amniga iyo hormarka.

Halka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, uu soo dhaweyay isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay Somalia, wuxuuna Madaxweynaha cusub ka codsaday inuu ka faa’iidaysto taageerada shacabka oo wax-qabad ku badalo.

Geelle, ayaa sidoo kale soo hadal qaaday abaaraha ka jira Somalia, wuxuuna sheegay inuu waddamada gobolka kawada hadleen sidii qaylo dhaan xoog leh waddankan iyo dadkiisa loogu raadin lahaa.

Madaxweynaha cusub ee maanta la caleemo-saaray ayaa khudbad dheer oo uu jeediyay kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin;

This post has already been read 41024