Madaxweynaha Jubbaland Oo Muqdisho Gaaray

Madaxweynaha Jubbaland Oo Muqdisho Gaaray

0
SHARE

Madaxweynaha Jubbaland Oo Muqdisho Gaaray
Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir, waxaana Sayidku uu u tagay Muqdisho ka qayb galka caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taas oo dhacaysa 22-ka bishan.
Axmed Madoobe ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha cusub ee Jubbaland, waxaana uu garsiin doona dhambaalkiisa hambalyada ah, xilli uu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee hambalyo u dira.
Waxaa lagu wadaa in sido kale, Madaxda maamul goboleedada ay ka qayb galaan caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ee dhacaysa todobaadkan.
Waxaa sheegid mudan in sido kale ay ka qayb galayaan Madax kala duwan oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya.
Si kastaba aha ahate, Sayid Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa iminka ku sugan Muqdisho, kana qayb galaya todobaadkan Caleemo saarka.

This post has already been read 37624