Madaxweynaha Galmduug oo iscasilay

Madaxweynaha Galmduug oo iscasilay

0
SHARE

Madaxweynihii Barlamanka Galmudug sheegeen inay xilka ka qaadeen  Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ku dhawaaqay inuu iska-casilay xilka Madaxweynaha Maamulkaas.

Ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado ayaa GO u xaqiijiyay is-casilaada Madaxweyne Guuleed, oo mudooyinkii dambe xaalado caafimaad dalka uga maqnaa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaysa is-casilaadda Guuleed, waxaana qaybtood sheegayaan in shaqo katagistiisu la  xiriirto xaalad caafimaad, maadaama dhawaan uu qaliin dhanka wadnaha ah looga soo sameeyay dalka India.

Wararka waxay xusayaan inuusan haysan kalsoonida shacabka iyo midda Barlamanka taasina keentay in jagadaas ka dago.

Madaxweyne Guuleed wuxuu ahaa mid aan ku fir-forcoonayn siyaasadda, isagoo mudo dhowr bilood ah aan tagin xasfiikiisa magaalada Cadaado.

Wuxuu sido kale muddoonyinkoo dambe ku mashquulsanaa arrimaha doorashadii uu kusoo baxay Farmaajo isagoo ahaa shakhsiyaadkii ololeha uhu jiray Xasan Sheekh.

Xilka waxaa si KMG ah u hayay ku-xigeenkiisa Carrabay oo goob joog ka ahaa xafladdii caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo.

 

This post has already been read 44524