MA PUNTLAND BEY NALA LEEYIHIIN MAJEERTEENKA KALE SEY NOO WEYDIINAYAA MANSAB ?GAAS...

MA PUNTLAND BEY NALA LEEYIHIIN MAJEERTEENKA KALE SEY NOO WEYDIINAYAA MANSAB ?GAAS OO LA YAABAN

0
SHARE

Sida shacabka puntland iyo somaliba wada ogtahay 18 sanadood waxaa xilka kursiga madaxweyninimo iyo talada puntland afduub ku heystay iyo digtaatoornimo jifada hoosaad ka mid ah beesha majeerteen kuwaasoo ah xagjir xisbi ku mideysan .

Xisbigu wuxuu la wareegay mansabkii siyaaso iyo dhaqaalaba wuxuuna caburiyey cid kasta oo u istaagta xaqeeda isagoo u isticmaalaya dhaqaalaha puntland uu ka helay kuna kala qeybiya iyaga.dhaqaalahaas oo ka yimaada canshuurta laga qaado shacabka puntland iyo deeqaha loogu tala galay shacabka Puntland ee caalamku siiyo iyo dowlada federaalkaba.
Dhanka siyaasada waxay xulaan oo ay dortaan iyaga dadka beelaha kale ugu liita oo iyagu fikir loo isticmaali karo kuwaas oo aan ka imaanin rabitaanka beelaha ay kasoo jeedaan .
waxaa dacaayado iyo brobogaando lagu furay siyaasiyiinta dhabta ah ee beelaha kale kasoo jeeda iyadoo loo adeegsanayo cadowga soo jireenka ah ee itoobiyo laguna shaabayeeyo laguna handado waa argagixiso iyo puntlanbaa dumeysa. shacabka oo cadow loogu dhigayo muqdisho,hargeyso iyo guud ahaan umada soomaaliyeed ee walaaha ah.

 
Beesha majeerteen waa beel ka mid ah beelaha soomaaliyeed ee sharafta leh.waxaa lagu yiqiinay weligoodba wadaniyad deris wanaag,ilbaxnimo,diinta iyo dalka ilaalintiisa,tanoo oo ay la qabaan walaalahooda kale ee soomaliyeed .
Arinkan isaga ah waxaa badalay oo sumcadii dilay xisbigan xagjirka ah majeerteen oo dulqaadkii ka dhamaaday ´mudo dheer dabadeed ayaa wuxuu u istaagay maanta axdi iyo kitaabna ku maray in dulmiga uusan soconeynin lana soo celinayo cadaaladii sinaantii iyo sharafkii reerku lahaa.intaas markaan ka farxalano waxaynu baadigoobeynaa hartiga dulman daaroodka dulman iyo somalida kale ee ku dulman puntland sidii si cadaalad ah wax loogu qeybin lahaa oo garbo siman ah.

 
Xigmadaa waxay tahay ninkii dhexdiisa isu cadaalad fala oo aan in xeeledeynin is dhicin isqayaameynin ayaa keeni kara hormar iyo cadaalad somalina simi kara .
Dhanka kale nin miciyaha dhiig ka da’ayo oo walaalkiis xaqqiisii cunay oo mansabkii siyaaso ka dhacay oo dhaqaalihii ka dhacay oo jiritaankiisii xaqiray mana matali karo mana keeni karo wanaag somaliyeed.
Mudadaas 18ka sano ah ee puntland qabiilka lagu hayey laguna dhaqayey ugu danbeyna gaas mudo ku maamulayo ayaa waxaynaan maqal iyagoo leh beelihii qabiil bey wadaan qabiil bey wax ku doonayaan oo ay iila imaanayaan .hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay cabaadka gaas maxaa keenay?

sida caadada u aheyd waxaa xafiiskan iska lahaa oo xafiiskan u xirnaa xisbiga xagjirka ah waxaana lagu kar karin jiray qabyaada iyo kal qob qobka beelaha puntland dhicida kuraasta ee kale ee majeerteen iyo kala qeybsiga hantida puntland xafiiskuna ma ahayn xafiis beesha xagjirka ka faaruqdo .

hadaba ma ogtahay marka in gaas ku raaxeysanayey howshaan u hurmuudka u yahay wax cabashana maalin kama soo yeerin dulmigaas uu bisleynayo intaas hadii aan isla garanay aan ka jawaabu su’aashan kor ku xusan cabaadka iyo catowga xaqiirka kasoo yeeray waxaa keenay wuxuu arkay majeerteen oo isbadal iyo cadaalad wado si garbo simana 12kii xubnood oo qeybinayo beel wabana is hubeysay xaqoodana doonayaan iyo xubintoodii siyaaso iyaguna ay wataan.wuxuu DR BEENALE ku sasay doonista dadku xaqoodu doonayo.

This post has already been read 357224