Lagu baray  Barbar-weyne inaad maqdo oo aad biiq tahaye

Lagu baray  Barbar-weyne inaad maqdo oo aad biiq tahaye

0
SHARE

Barbar-weyne oo ah nin xaafad magaalo ka tuugaysta, kaasoo shacabku mar ka cararaan marna u cararaan, ayaa sheekadiisu isoo jiidatay!

Waa oday waayo-arag ah oo turuqyo weyn leh, shaqadiisana xoog iyo xirfadba ku wada. Xaafadda waa u deegaan, oo gurigiisa uu mulkiga u leeyahay wuxuu ku yaal xudunta xaafadda, habeenna kama baado. Qoys ahaan, wuxuu haystaa dhalin boobka u laylsan oo dadka orod ku diirta iyo habro haddii loo soo dacwoodo dadka sii saloosha.

Gurigiisa albaabada iyo hulalka badan, agabka ugu badan oo meel kasta ku xasaysan waa hubka noocyadiisa kala gedisan: Budhadh, tooreeyo, baangado, warmo, seefo, gaashaamo, baaskoolado, bambo gacmeedyo, qoryo qadiimi ah iyo kuwa casriga ah ee darandooriga u dhaca.

Barbar-weyne burcadnimadiisu waa wajiyo badan tahay. Qaababka uu dadka u baado waxaa ka mid ah lacag uu dadka kaga qaado inuu yahay waardiyaha qoys kasta. Qoyskii dhaha annagaa waardiye isu ahna kama qoro, oo bixinta lacagta waa ku khasban yihiin. Waxaa ka mid ah lacagaha uu qaato inuu yahay shaqaalaha goob kasta oo shaqo oo xaafadda ka jirta: iskuulada waa ka macalin, cisbitaalada waa ka takhtar, geerashyada waa ka engineer, shirkadaha waa ka xisaabiye … meel kasta mushaharkiisa ayaa looga diyaariya inkasta oo uusan shaqo ahaan xaadirin. Goobtii muran gelisa jiritaankeeda ayay muran gelisay.

Subaxyada uu baadda guranayo waxaad arkaysaa isagoo mararka qaar si wacan u lebisan, dadkana waji furan iyo kaftan ku bariidinaya. Qofkii oogada ka arka mararkan oo kale wuxuu u malaynayaa nin caadi isaga shaqaysanaya.

Marar dhif ah ayuu meelo u bartilmaameedsan iyo wadooyinka ka qawlaystaa. Wixii uu la tago maalmahaas la isma waydiiyo haddii la aqoonsado inuu Barbar-weyne yahay.

Barbar-weyne faa’idada uu leeyahay waxaa ugu muhiimsan inuusan tuug kale xaafadda u ogolayn. Tuug saqajaanka guryaha u dhaca, kuwa dadka luuqyada mugdiga ah ku furta, kuwa wax dafa iyo wixi noocyadaas la halmaala xaafadda ka huleele. Oo isagaa kii soo kacaba luqunta jebiya, isla marka warkiisu soo gaaro. Xaafaddu waxay xaafadaha kale ugu faantaa in aysan tuugo badan lahayn.

Faa’idada labaad ee Barbar-weyne leeyahay waxaa ka mid ah in xoolaha uu baadda u qaato qof kasta sii qorshayn karo, inta badan; xitaa mararka uu soo qaado duullaanka lama filaanka ah cidna cayr kama dhigo.

Midda sadexaad, Barbar-weyne waa oday wax kala dhaha qoysaska is qabta, hadalkiisana la qaato. Qoladii uu dareemo inay gardaroonayso intuu il libaax ku eego ayuu halkii dhaan-wade ku yiraahdaa. Markaas ayaa xasaraddu degtaa!

Waxgaradka xaafaddu waxay ku murmaan sharka iyo kheyrka Barbar-weyne midka badan. Sababtaas ayaa dadka xaafaddu mar uga cararaan marna ugu cararaan odayga.

 

Dad dhowr ah ayaa su’aalo iga waydiiyey qormadii hore, asxaab kalena faalada ayay ku sheegeen in ay ku jahwareereen. Taas darteed ayaan go’aansaday inaan qormooyin ku kordhiyo middii hore si xog intaas ka badan looga helo Barbar-weyne.

Ugu horeyn, Barbar-weyne wuxuu ku amar taagleeyaa xaafad ka tirsan magaalo weyn oo dhammaanteed xagga sharciga ka ibtilaysan. Isuma gudbaan xaafaduhu. Murtida nolosha ee shacabka magaaladaasi qaayibeen waxay oranaysaa “xaafadi xaafad in ay u gudubtaa waa xasarad”. Barbar-weyne xeerkaas ayuu buddhige u yahay.

Meelaha dadku wada fariisto ee xaafadda, inta badan, waxaa lagu shaah cabbaa taariikho tilmaamaya marar Barbar-weyne damcay inuu ku soo dabreeyo xaafado kale halaaggii ka raacay iyo marar xaafaddiisa loo doolaalo yimi sidii uu wax u hoojiyey. Waxaad mooddaa sheekooyinka ugu milgaha culus oo dadka maankooda ku haray oo afku-xooglayaashu ku xiiqaan, isaguna malaha taageero ku helo.

Xaafadaha kale, oo ka liita midda Barbar-weyne waxaa mid kasta ku hardama burcad iyo abbaano is bedbedela. Dadka qaar ayaa ku oranaya: Barbar-weyne si dadban ayuu ammuuraha xaafadaha kale u gacantogaaleeyaa, isagoo xiriir taban la sameeya abbaanada qaarkood. Waxaase dhici karta in Xoogga, xirfadaha iyo xeeladaha Barbar-weyne oo dad badan quusiyey ay sababayaan in wax kasta loo tiiriyo.

Waqtiga dheer ee Barbar-weyne ka hawlgelayey xaafadda ayaa waxay keentay in shacabku qiyaasi waayaan waxa dhici kara isaga la’aantiis. Culimada qaarkood waxay dadka ku wacdiyaan in Barbar-weyne aan la sharaysan oo haddii laga hor yimaado sida xaafadaha kale wax kasta la seegayo. Fahamkoodu wuxuu ku salaysan yahay qaacidada fiqiga ah ee sheegaysa “in laba dhibaato la kala doorto”.

Culumada diinta keliya ma ahee, xeeldheerayaasha bartay kasmada siyaasadda iyo maamulka ayaa qaarkood waxay Barbar-weyne ka aaminsan yihiin hoggaamiye damiirku ka xumaaday. Waxay markhaanti gashadaan waayo uu toosnaan jiray iyo sidii uu shacabka xaafadda ugu adeegay waqtigaas. doodaasi waxay siisaa beer-laxawsi dadka qaarkiis ugu cudur daaraan.

 

Qormadani waxay ka hadlaysaa dhaqaalaha Barbar-weyne?

Dadka la xaafadda ah Barbar-weyne waxay qaarkood ku cawriyaan in maal fara badan soo galo, oo afku gaabtay. Waxaa iyaga aad ula wayn xoolaha uu ka yahoobiyo. Waxay isku haaraamaan in ay isagaba u shaqeeyaan! Hase ahaatee, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ishaa macalin ah”. Barbar-weyne sida loo filayo uma hodonsana, dhab ahaan.

Sida la isku raacsan yahay, marka horeba xooluhu Barbar-weyne waxay ku soo galaan qaab xisaab la’aan ah. Dadka isku wax kama qaado. Sidoo kale, qofna wax isku mid ah kama qaado markasta. Guud ahaanna waxa uu dhaca ku soo helo ma tirsado. Taas dhigeeda, waxa ka baxa uma meel dayo. Goorta ay dhaqankiisa kaaga sheekaynayaan dadbaa kugu quusinaya inuu lacagta maaddo ahaan iyadaba u cuno. Waxaa laga fekeri karaa in qofku xisaabsado oo tashiisho waxa uu u dhidido, ee aysan jirin xoolo Barbar-weyne lexjeclaysan karo oo meesha yaal.

Waxaa xusid mudan in qoyska Barbar-weyne ee ballaaran, oo dhammaantood xirfadiisa u carbisan, aysan isugu turin wax dhaqaalaysi. Xubin kasta iskeed ayey u gubtaa wixi ay hanato, kumana baahi baxdo. Indhaha fiiq-fiiqan, afka qiiqu ka baxayo iyo horornimada ayaa xubnaha qaarkood lagu fahmaa in ay reer Barbar-weyne yihiin, oo bar iyo buraba loogu tuuraa.

Kharashka ugu badan reer Barbar-weyne wuxuu kaga baxaa maandooriyayaasha, hubka iyo quutal-daruuriga caadiga ah. Haddii aad xaafadooda dhuhlayn ku ag marto, waxaad arkaysaa meelaha khashin qubka ah ee hareerado yaal waxa tuuran oo isugu jira garaabe qaad iyo lafo xoolaad oo mayraxsan.

Waxaa la sheegaa, dabci ahaan, in Barbar-weyne uu faxan yahay, si marka loo eego. Dadka u adeega iyo kuwa uu caadi ula macaamilo waa u gacan furan yahay. Xubnaha qoyskiisa kuma guulguulo waxa ay kharash gareeyaan, balse wuxuu ku hawlgeliyaa in ay wada qaraab tagaan.

shacabka ku nool xaafadda Barbar-weyne waxay isku habaaraan “sida Barbar-weyne xoogga lagu sii, oo xisaabta lagaa qaad”. Taasoo muujinaysa nusqaanta kaga jirta xisaabtanka iyo maareynta xoolihiisa, booliba ha ahaadeene.

 

Qormadani waxay ka hadlaysaa sida Barbar-weyne isu arko.

Arrinta soo jiidashada leh waa in aan Barbar-weyne dhaqankiisa burcadnimo aqoonsanayn. Ma garawsana inuu tuugaysto ama baad ku nool yahay. Xitaa dareenkaas wax u dhow ma qabo! Wuxuu isu arkaa oday shaqo wanaagsan ku foogan iyo sama-wade loo aayo markasta. Wuxuu iska aaminsan yahay geesi la’aantiis xaafaddu gablami lahayd iyo garaad-badane tiisa lagu nool yahay oo ilbax ah. Wuxu ku faanaa in isaga doorkiisa xaafaddu xaafadaha kale ku dhaaftay.

Sida uu isu arko waxa laga dareemayaa dhiiranaantiisa, kalsoonida uu falaad-xumadiisa ku qabo iyo waxa uu naftiisa ka sheego mararka uu hadlo.

Sababo dhowr ah ayaa loo aaneyn karaa waxa keenay in Barbar-weyne naftiisa ka aamino wax khilaafsan xaqiiqadiisa.

Dhaqankiisa oo u noqday caado nololeed uu muddo kusoo dhex jiray ayuu la qabsaday, inuu toosan yahayna ula ekaaday.

Tan la yaabka leh waa iyadoo wax run u sheega uusan weligiis arag Barbar-weyne! Abidkiis ma maqal dhaliishiisa, ammaantiisa mooyee. Shacabka xaafadda ciddii uu kala kulmo, wadar iyo qofba, wuxuu ka helaa bogaadin, dhiirigelin iyo duco. Munaasabadaha xaafadda ka dhaca, sida aroosyada, xafladaha kale iyo xusaska dadwaynuhu qabsadaan waxaa Barbar-weyne looga jeediyaa hadallo koolkoolin ah, oo ay ka mid yihiin buraanburo iyo heeso caan baxay.

Mararka uu weerar qaado oo dad xoolahood bar kasoo dhaco, waxaa laga xusaa munaasabadahaas, waxaana loogu hambalyeeyaa inuu reerka bar uga yimi, taasoo lagu sheego inay gobanimo tahay.

Wadaada xaafaddu waxay ku andacoodaan in ay hanuun ugu duceeyaan Barbar-weyne halkii ay munkarkiisa u sheegi lahaayeen.

Waxaa jira marar dadka xaafadaha kale ee magaalada ku nooli ay soo dhaliilaan, waqtiyadaasna waxaa la caadifooda shacabka xaafadiisa. Barbar-weyne naftiisa garan la’, wax garansiiyana la’.

QW:  Hared S. Addawe

This post has already been read 129624