Jaliyada Puntland Dalka Maraykanka ee Magaalada Minneapolis oo si weyn loogu...

Jaliyada Puntland Dalka Maraykanka ee Magaalada Minneapolis oo si weyn loogu soo dhoweyey Siyaasi Dr Yasiin Faarax Cartan.

0
SHARE

Waxaa maalmihii ina soo dhaafay ka socday si weyn loogu sameeyey soo dhaweyn aad u heer sareysa Carriga Dalka Maraykanka, gaar ahaan Magaalada Minneapolis Siyaasi Yaasiin Faarax Cartan.

Jaalliyadda Puntland ee Maraykanka ayaa xaflad si weyn loo soo agaasimay ugu diyaarisay mid ka mid ah meelaha lagu soo dhaweeyo Madaxda oo Siyaasi Dr Yaasiin Faarax Cartan casumaad loogu sameeyey.

Siyaasi Yaasiin Faarax Cartan ayaa Jaaliyadda Puntland eek u sugan Carriga Maraykanka gaar ahaan Minneapolis uga xog waramay xaalka deegaanada Puntland uu hadda marayo Siyaasiyan, wuxuuna u faahfaahiyey Siyaasi Yaasiin Faarax Cartan in dalka dhibaatooyin sadbursi iyo eex hab qeybsiga awooda Siyaasadeed uu ka jiro, taasoo uu ku tilmaamay inuu yahay mid uu wado Maamulka Talada haya Puntland  ee Madaxda uu ka yahay Dr Gaas.

 

Waxaa kaloo shirka ka soo qeybgalay oo hadalo iyaguna ka jeediyey Siyaasiyiin iyo Odayaasha deegaanka Puntland ka soo jeeda oo kala ah

Suldaan  Muuse Xaaji Abees oo si kooban uga waramay xaalada guud iyo soo dhaweynta Siyaasi Dr. Yaasiin Faarax Cartan

Waxaa kaloo halkaas hadalo ka soo jeediyey Siyaasi Faysal Cartan, Af-hayeenka Jaaliyadda reer Bari ee Puntland Sakariye Cali Xaaji, Abdi Faarah buulo, Ganacsade Liibaan Salaad Guul iyo Beeldaaje Liibaan Xaaji C/Laahi oo wada joogay madasha soo dhaweynta Siyaasi Dr. Yaasiin Faarax Cartan.

Waxaa kaloo isna joogay goobta weriye Awil Nuur Shire oo ka mid ahaa dadweynihii goobta soo dhaweynta ka qeybgalay.

5d1615bfddbb6bdbd91c199dde22ebc35306c4469a683a06d1b6282a4bea42a8 6bd34217abc27ddd8c6cfbe8d3ab95b27b5e22fae3bd93de6db5059a374f8b5c 7abe2a95058953fd6110b65258de37b5bfc68fbf48591ece7a0f856ebbef7f54 25c256344b20acf250c75e2c8258fb92f96849eeada66d1c377acbf4a31a895b 28df5c64cbc933642b7ae80119e152e7b9f1dbef0bcc9337d1b1dc79f7780321 098d8c811841afecad72845f0f59c24f4b0a43e19d9ba3c9eb1139df7405580b 3688c12ce80ad9747c992d73a8862c9a1426a632cee2301c4bedeb321a00105d 4951c1ec63e3452fa7fe259c660a993ddb37e36a49e1d6de3e661c3ee026db4c b6df860dee0c5eba6b72b13917e1fdfdd83fb20d56e3e07ba18fe5f894872a34 b74934f306be1e45ca64714d8dc9d3a2aaed9a6ba4019baf5844dae82378153e ba2ccf0c35fdf5ae9588220783506bcc4c9f375fcb29fe2d986b4733142a02ff cdab802c275fbc79ca14c1f154b5b85fd230a2bfb5c7c3706981bfdf4b8035f7 d68cee4c02ef3aab6bf132983f93f2b220b170b6729bef71dff8f67d186ee6fb

Gabagabadii wuxuu ku soo afmeermay shirka si jiwi wanaagsan leh oo la isku afgartay in wax weyn laga bedelo xaalada guud ee maanta ku sugan yahay wadanka gaar ahaan deegaanada Puntland.

Puntlandtop1@gmail.com

 

USA Minneapolis

This post has already been read 95624