Iskuulka Najax boosaaso oo saakay nin waalani weeraray

Iskuulka Najax boosaaso oo saakay nin waalani weeraray

1
SHARE

Waxay ahaayeen caruur wax baranaya oo ku gudajiray xiisadihii
waxbarashadooda, Iskuulka waa Dugsiga sare ee Najax, jewigu wuxuu ahaa
mid degan oo dhegaha ardaydu ay u furan yihiin casharada ay
macalimiintu marinayaan, xiliyada qaarkoodna waxaa la maqlayey codadka
shimbiraha ka dul dhawaaqaya geedaha iskuulka gudihiisa ka baxa.
Xiligu waa barqo, saacaduna waxay u sii gurguuraneysaa 10kii
barqanimo, waxaa iskuulka gudaha u soo galay koox ciidan ah oo ka
tirsan Qaybta Gobolka Bari, waxay ku hubeysnaayeen qoryaha
darandooriga u dhaca, waxaa wejiyadooda ka muuqday caro iyo ciil
badan, indhihii mar eegaana mar kale ma libiqsadaan.
Dood dheer ayaa dhex martay ciidamadaas iyo maamulaha

iskuulka Sare ee
Najax waxaana ay isku afgaran waayeen ciyaal ay doonayeen in ay
xabsiga u gudbiyaan oo ay danbiyo ku tuhunsanaayeen, haseyeeshee,
maamulaha Iskuulku wuxuu u sheegay in caruurtu ay leeyihiin waalidiin
ayna haboon tahay in ay kala xaajoodaan ama guryahooda ka soo
qabsadaan.
Mar qura ayaa jewiga iskuulku is bedelay kadib markii rasaas xoog leh
ay ciidamadu ku fureen maamulaha iyo guud ahaan iskuulka, xabadihiina
ay u gudbeen fasaladii xasiloonidu ka jirtay.

Bulhanka iyo buuqa ayaa is qabsaday, qayladaa wildhatay, ardaydu wax
badan waxay garan waayeen belada ku soo dhacaday.
Maamulihii iskuulka waxaa dusha kaga dhacaya baadka qoriga ay
ciidamadu siteen, si fiican ayaa loo jilciyey kadibna waxaa lagu dhex
tuuray gaari ay ciidamadu wateen.

Ardaydii iskuulku waxay u dhaqaaqeen wadii uu maray gaarigii lagu
qaaday maamulahooda, waxay sii socdaanba waxay gaareen bartamihii
magaalada, waxay u badnaayeen dhalinyaro waxay bilaabeen dibadbax
xasiloonidu ka maqan tahay, waxaana dib ugu soo noqday ciidamadii
maamulahoodii kaxaystay waxay ku soo fureen rasaas aysan u aaba
yeelin,

wadadii laamiga oo lagu yiqiin mid ciriiri badan ayaa mar qura
firaaqo noqotay, nin walbaa belaayada dhacaysuu ka cararay.
Waxaa la gaaray xiligii wararka idaacadaha wadaaniga ah, mise radio
SBC ayaa waxaa ka hadlaya Taliyaha qaybta Bari oo wuxuu leeyahay “Waa
caruur xaaraan lagu koriyey, waa cadowga Puntland ee arday maaheen”
wuxuu kaloo yiri “ Ciidanku wax khalad ah ma sameyn……” wax badan ka
qori mayo taliyaha hadalkiisa ee adiguba dhegeyso oo qaiimee.
Waxaan maqli jirnay nin hubaysan  oo waalan ayaa Mareykanka ama Yurub
iskuul ku yaal weeraray oo laayey ardaydii, maantay Boosaaso ka
dhacday.

This post has already been read 223324