Isimada iyo salaadiinta Puntland ayaa maanta shir uga furmay Magaalada Garoowe ee...

Isimada iyo salaadiinta Puntland ayaa maanta shir uga furmay Magaalada Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland. (Sawiro+cod)

0
SHARE

Shirkaan oo sonaya mudo sadex cisho ayaa looga hadlayaah xaalada guud ee Puntland gaaar ahaan amaanka iyo sicir bararka oo mudooyinkii u danbeeyey uu ku yimid sarac baahsan.

Suldaan Siciid Maxamed Garaasi iyo Garaad Cabdulaahi Cali oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shirkaan inta uu socdo ay diiradda ku saari doonaan xaalada guud ee dalka waxaana ay intaa ku dareen in shirkaan uu ka maranyahay arimo siyaasadeed.

Waa markii ugu horaysay oo isimada Puntland ay isugu yimadaan shir noocaan oo kale ah tan waqtigii la doortay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,waxaana uu ku soo aadayaa xili dhawaan xilkii laga qaaday taliyayaashi booliska iyo birmadka Puntland oo isku gacan qaaday islamarkaana maamul looga dhawaaqay gobalada waqooyin bari ee Soomaaliya.DSC00423 DSC00424 DSC00425 DSC00426 DSC00427 DSC00428 DSC00429 DSC00430 DSC00431 (1) DSC00431 DSC00432 DSC00433 DSC00434 DSC00435 DSC00437 (1) DSC00437 DSC00440

Halkaan ka dhegeyso codadka isimada.

This post has already been read 151824