Isbarbar Dhiga Labada Harti ee Jubaland iyo Puntland

Isbarbar Dhiga Labada Harti ee Jubaland iyo Puntland

0
SHARE

Taariikhdu waa mudan leh markhaadi cad,dhacdooyinka taxanaha ah ee ka dhacaya soomaaliya tan iyo burburkii dawladii soomaaliyeed ee u danbaysay dawladnimo ee uu madax waynaha ka ahaa AUN maxamed siyaad bare.waxaan maqaalkan ku yara eegaynaa in yar bal hada farqiga u dhaxeeya labada maamul goboleed ee kor ku xusan hab dhaqanka iyo wax qaybinta madaxda u dhaltay beesha harti ee dagan labada dagaanba siday u maamuleen isbarbar dhigooda weeye tani.

Waxaad arkaysaan hartiga xalaasha ah ee darwiish hogaaminayo, ee xukuma hartiga jubooyiinka arka sida uu uqaybiyay xubnihii harti iyo majeerteenba kaga soo hagaagay dawlada jubaland.darwiish iyo ragiisu ama beeshiisa cali ibraahiim (biciidyahan)iyo walaalkood maxamuud ibraahiim( reer maxamuud) midna ma helin wax xubin ah waayo iyagaa wax qaybinayay wakaa majeerteenkii la arki jiray ee sumcada iyo magaca bixiyay lehna haybada iyo talinta suuban.kuwan weeye haybadii reerku qarniyaal lahaan jiray,maha dhawaan soobaxa aan isku kalsoonayn ee tolkii iyo cidwalba kala cayriyay.bal isbarbar dhiga haybada laba harti ee jubaland iyo puntland? kadibna eeg waxa kuu soobaxaya.

Madaxda Hartiga Jubaland

Halkan hartigu maha madaxa usareeya jubaland sida puntland oo kale,hayeeshee qaybtii harti ku lahaa xubnaha barlamaanka waxaa qaybinayay odayga harti ahna ruug cadaa siyaasi ah sikale hadaan u niraahno jifo kamid ah harti gaar ahaan jifo kamid ah majeerteen.waxaad arkaysaa sidii lagu yaqiin dhaqankii suubanaa,xishoodkii,cadaaladii,iimaankii inay  u dhantahay habka jifadani wax u qaybisay.raga wax qaybiyay waxay sifiican u qanciyeen hartigii kale intaan la gaarin majeerteen maadaama majeerteen wax qaybinayo,kadibna majeerteen dhexdii markii cadkii yimid waxay u qaybiyeen sidii loo kala siinkarayba xubnihii taasoo iyagu ay isqadiyeen oo aysan hal xubina kulahayn baarlamaanka,waxaa xusid gaara mudan in ay san kudayan jifada puntland wax qaybisay ee siisay jifadaan hal xubin oo kaliya puntland,hada iyagu waxay siiyeen 4 xubnood kaligood,iyagoon kafakarin aar gudasho iyo xumaan tii uu ku sameeyay lamid ah ayagoo awood u leh oo maanta haya qabinta.si cadaalad ah oo sharaf leh oo intii karaankooda ahayd ah ayay wax ugu qaybiyeen nina maqadin ilaa tirada iyo wax lasiiyo oo lawaayay mooyee uma dhicin si qorshaysan oo kutala gal ah in dad loo qadiyo sida ka dhacda caadadana u ah puntland oo kale. sharaf waxaa ah hadaad wax qaybin qaybtiina dadkii gaarayn haday cidi qadayso noqo kuwa qada,nin kii nooli waa helayaa jago iyo wixii alle u qoro markaa iimaankaa fiican iyo cadaalada.

Maxaa dhacay weeye hartiga jubaland joogaa waxay ka jecel yihiin naftooda Gen.dawriish hogaamiyahooda waayo waxay arkeen cadaalad sinaan geesinimo aan hore loo arag.dadkuna cadaalad unbay rabaan iyo kii dhib layimaad oo sharciga lamarsiiyo.hartiga jubaland waxay ku kalsoon yihiin maamulka jubaland oo uugu horeeyo madaxwayne axmed islaan iyo madaxda la shaqaysa dhamaan,waxayna dareen san yihiin inay ku nool yihiin cizi iyo sharaf wax masayr ah umaha hayaan madaxda jubaland waana ku faraxsan yihiin maamulkooda cadaalada ayaana keenaysa.

 

HARTIGA PUNTLAND

Puntalnd waxaa hogaankeeda sare qabtay qabiilka hartiga kadib majeerteen jifo kamid ah waxay xukunkaa haysteen mudo 18 sanadood ah,xubnihii ay beesha harti u qaybiyeen way saluugeen dhulbahante,warsangali,dashiishle iyo hartiga kalaba,markaan kasoo tagno hartiga guud ahaan ee u nimaadno majeerteen dhexdii,waxay xubno u qaateen in kabadan inta ay siiyeen majeerteen intiisii kale oo dhan!! iyagaana qaybinaya wax taasi waa barlamaankii. markaad u soo laabato dhanka wasiirada iyo maamulka,waxay qaateen ilkasta oo dhaqaalo ah,iyo wasaaradkasta oo qiimo leh,waxaa intaa dheer xabad xabada ay siiyaan majeerteenka kale iyo hartiga kale guud ahaanba waxay hoos dhigaan mid iyaga ah oo ku xigeen ah xisaabiye oo dhana waa iyaga markaa qofkii masuulka ahaa waa magac u yaal uun. waxay majeerteen intiisii kale iyo hartiba ka dhaariyeen kurisga madaxwayne nimo oo ay si horar nimo iyo bahalnimo ah isugu wareejiyeen oo cid damci kartaaba jirin hada iyo mudadaas dheerba waa diktaytarnimo tii uugu xumad abid ee ka dhacda soomaaliya.shacabka puntland ma cabiri karaan fakarkooda,kama hadli karaan siday u arkaan ayaaha soomaaliya waa la caburiyay iyagoo qaybtii sidan aan sheegnay wax loogu qaybiyay eexda iyo dulmiga ah aadka u daran.

Hadii siyaasi puntland u dhashay oo aan jifadaa meesha haysata ahayni soo baxo markiiba waa la ceebayn,waa la dili,waa la xiri,dalkaa laga masaafurin oo in uu soogalo loo diidi.tusaale yar siyaasiyiintaa waxaa kamid ah ninka hada aadka loo baacsanayo oo ah nin majeerteen ah laakiin aan ahayn jifada haysata meesha oo qurun satay.waa gudoomiyihii hore cabdisamed maxamed gallan oo ah aqoon yahan wayn oo hormariyay gobolka bari, xiligaas oo markuu dhisay bari loo quuri waayay hormarka uu halkaa kasameeyay kadibna lagu qaaday dagaal aan loomeel dayin.

This post has already been read 133224