Hogaanka Ciidanka Kumaandoosta Puntland oo Waxba kama jiraan ku Tilmaamay Qoraal uu...

Hogaanka Ciidanka Kumaandoosta Puntland oo Waxba kama jiraan ku Tilmaamay Qoraal uu Soo Saaray Wasiirka Maaliyada.

0
SHARE

Hogaanka xafiiska ciidanka kumaandoosta DANAB ee Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal uu shalay ku sheegay Wasiirka Maaliyada Puntland Cabdulaahi Shiikh inaanu jirin xuquuq iyo mushahaarooyin ciidamada uga maqan Xukuumada uu ka tirsan yahay ka dib markii ay saacado kooban la wareegeen xarunta Baarlamanka ee magaalada Garowe ciidamo gadoodsan oo dhawaan kasoo baxay difaaca Gaalkacyo ee xadka u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Hogaanka Kumaandoosta Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray wasaaradda maaliyadda Puntland, waxayna faah faahin ka bixiyeen lacagaha ka maqan ee isugu jira, Gunnooyinka, Mushaharka iyo kharaashaadka ciidamada tan iyo 2014-2017.

This post has already been read 32424