Hogaamiyaha Kacdoonka Beelaha Bari ee (KBB)Mr. Cabdisamd Galan oo Carmo si diiran...

Hogaamiyaha Kacdoonka Beelaha Bari ee (KBB)Mr. Cabdisamd Galan oo Carmo si diiran loogu soo dhaweeyey Saakay aroortii.

0
SHARE

Hogaamiyaha sare Kacdoonka Beelaha Bari ee marka magaca la soo gaabiyo loo yaqaan KBB Mudane, Cabdisamad Maxamed Galan ayaa saakay aroortii si diiran loogu soo dhaweeyey Deegaanka Degmada Carmo.

Dadweyne aad u tiro badan ayaa soo dhaweynta Hogaamiyaha Kacdoonka Beelaha Bari ee KBB Mr. Galan ku soo dhaweeyey Magaalada Carmo, waxayna muujinayeen inuu yahay Hogaamiyaha kaliya ee dhaxanta iyo banaanka rafaadka u bareeray, isagoo doonaya waa Mr. Galane sidii looga saari lahaa  dhibaatada gobolka Bari iyo dayaca ay ku hayaan kooxaha asal ahaan ka yimi Gobolada kale ee wax isku darsiga lagu midoobay Puntland awooda dhaqaale iyo siyaasadeed  ku muquunsaday.

Safarka Hogaamiya oo qorsheysnaa ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan Gobolka Bari, gaar ahaan xarunta ganacsiga ee Magaalo xeebeedka Bosaaso, waxaa aad loo hadal hayaa dhiilo colaadeed oo mar kale ka dhex curate deegaanka Bari, taasoo dadka ku dhaqan Bosaaso aaminsan yihiin in xal siyaasadeed  loo baahan yahay manta,balse aan loo baahneyn in dagaal Qabiil oo siyaasad salka ku haya ka curan Bari iyo guud ahaan Puntland.

Hogaamiyaha Kacdoonka Beelaha Bari ee KBB Cabdisamad maxamed Galan ayaa sidoo kale xiriir la sameeyey siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Gobolka Bari, iyagoona isku afgartay wada-shaqeyn iyo iskaashi siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda si wadajir ah loo gaaro guulo wax lagaga bedelayo siyaasadda deegaanka Gobolka Bari beelaha degan ee maamulku dulmkiga ku hayo.

Ugu dambeyntii waxaa la hadal hayaa in Hogaamiyaha Kacdoonka Beelaha Bari (KBB) Mudane, Cabdisamad Gallan uu qorsheynayo inuu booqdo deegaano kale oo beelaha Reer Bari degan booqdo, deegaanadaas  oo ku yaala dhabaha laamiga ah.

Wixii warar ah ee ka soo kordha Hogaamiyaha Kacdoonka Beelaha Bari ee (KBB) M.r Gallan kala soco wararkeena xiga.

Weriye Faarax july Degmada Carmo

puntlandtop1@gmail.com13043805_1256159481082399_7612315446582105218_n 13082526_1256159537749060_2404410431890434177_n 13094190_1256159511082396_4182073716190630215_n 13095820_1256159567749057_4496532925601103816_n 13118908_1256159447749069_7743130206307654399_n 13124580_242190502836369_7740303776690436806_n

This post has already been read 206624