Hay’adaha Qaramada midoobay iyo Midowga Yurub oo joojiyey wada shaaqeyntii Degmada Bosaaso...

Hay’adaha Qaramada midoobay iyo Midowga Yurub oo joojiyey wada shaaqeyntii Degmada Bosaaso Sababtu waa maxay ?????

0
SHARE

Sida ay xaqiijinayaan warar rasmiya oo laga helayo Xarumaha Hay’adaha Caalamiga ee Nayroobi sheegayaan in ay hakiyeen wada shaqeyntii Golaha deegaanka Degmada Bosaaso.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in weli muran uu ka jiro sharci Ahaanta golaha deegaanka Bosaaso oo qaar ka mid ah Beelaha deegaanku dacwad uga socoto Maxkamadda sare Puntland, sidaas darteedna ay joojinayaan hay’adaha caalamka ee ka waday mashariicda horumarinta degmada Bosaaso.

Dhawaan ayey Odayaasha iyo waxgaradka Beelaha qaar ee dega degaanka Bosaaso u gudbiyeen Maxkamada sare dacwad ay uga soo horjeedaan sida wax ay isu-daba mariyeen Guddigii dhismaha Golaha deegaanka Bosaaso ee dowladda ka socday.

Beelaha diidan sida loo dhinac maray xubnihii rasmiga ahaa ee soo xuleen Odayaasha Beelaha oo si bareer ah liiska looga saaray oo lagu bedelay xubno laaluush iyo damacyo kale loogu daray golaha deegaanka degmada Bosaaso, taasoo Sababtay in aan lala tartamin gudoomiyaha hada degmada Bosaaso ka ah duqa.

Maxkamada sare ayaa maalintii talaadada dib u dhigtay inay furto dacwada Beelaha deegaanka Bosaaso ee diidan in aanay ku qanacsaneyn sida loo dhisay golaha deegaanka degmada Bosaaso. Waxaa la filayaa in maalmaha soo Socda Maxkamada sare ee Puntland furi doonto dhagaysiga dacwada Odayaasha Beelaha Bosaaso oo laga sugayo maxkamada sare inay go’aan ka gaadho dacwadaas.

Puntlandtop1@gmail.com

This post has already been read 68824