Halkee Loo Weeciyay Kharashkii Wadada Isku Xirta Gaalkacyo Iyo Garoowe

Halkee Loo Weeciyay Kharashkii Wadada Isku Xirta Gaalkacyo Iyo Garoowe

0
SHARE

Midowga Yurub ayaa dhaqaalihii uu ku bixin lahaa Wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe joojiyay,ka dib markii Hay’adda Wadooyinka Puntland ay u soo bandhigtay kharash ka badan kii loo qorsheeyay.

Wadada isku xirtay Gaalkacyo iyo Garoowe oo muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u burbursan,waxaana dayac tirkeeda loo qorsheeyay adduun lacageed oo dhan 21-Milyan oo Doollar.

HALKAAN KA DAAWO BURBURKA WADAD GAALKACYO IYO GAROOWE:-

18 Milyan oo ka mid ah lacagtaas waxaa bixin lahaa Midowga Yurub,halka 3-Milyan oo ka mid ah bixin laheyd Dowladda Jarmalka,waxaana fulin laheyd Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Jarmalka (GIZ).

Hay’adda Wadooyinka Puntland ee (PHA) oo sahamisay Wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe ayaa soo bandhigtay lacag ka badan 41-Milyan oo Doollar,taasoo ka badan lacagtii loo qorsheeyay Wadadaasi.

IMG_9740

Daahfurka Mashruuca

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Midowga Yurub uu lacagtaasi u weeciyay horumarinta caasimadaha oo loogu magac daray MASHRUUCA WADAJIR,maadaama aysan ku filnayn wadadii loo qorsheeyay.

Agaasimaha Hay’adda Wadooyinka Puntland ee (PHA) Maxamuud C/nuur Aadan oo dhawaan la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney dhamaadka Bishaan April bilaabayaan dayactirka Wadada Gaalkacyo iyo Garoowe.

HALKAAN KA DAAWO HADALKA AGAASIMAHA:-

Midowga Yurub ayaa go’aankaan ku soo jeediyay Shir ka dhacay Magaaladda Nairobi oo ay la qaadeen Maamul Goboleedyadda,waxaana lagu kala saxiixday Mashruuca Horumarinta Caasimadda ee Wadajir.

Mashruuca Wadajir ayaalaga fulinayaa Magaallooyinka Muqdisho,Hargeysa iyo Garoowe,waxana laga bilaabay Magaaladda Muqdisho.

as

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntlland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo ku kulmay Nairobo kullanka ka dib.

Shirka ayaa Puntland waxaa uga qaybgalay wefdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan (Karash).

Golaha Wasiiradda Puntland ayaa kullankooda Khamiis la ah oo ay maanta yeesheen ku diiday Mashruuca WAJADIR in laga hirgeliyo Garoowe,ka dib markii ay Warbixin ka dhagaysteen wefdiga Axmed Karaash.

Warmurtiyeed 1

This post has already been read 93824