Gaas waxaa duminaya Dowladiisa Golihiisa Wasiirada oo aan bulshadu ku qanacsaneyn

Gaas waxaa duminaya Dowladiisa Golihiisa Wasiirada oo aan bulshadu ku qanacsaneyn

0
SHARE

Xiisadaha ka dhex jira gudaha Puntland  iyo kacdoomada Beelaha reer Bariga iyo guud ahaan Puntland waa kuwo asal ahaan ku yimi kalsooni xumo bulshada ka qabaan Golaha wasiirada Madaxweyne Gaas.

Dadweynaha iyo Beelaha reer Puntland kuma qanacsana wasiirada iyo ku xigeenadooda maanta xilalka ka haya Maamulka Puntland.

Waxyaabaha dhaliisha xun ka jirto waa xukuumada oo ah kuwo aan gacan  dhuudhuuban u laheyn dowladda iyo Bulshada isku xidhkooda, waxa ayna u muuqdan kuwo ilaashanaya oo kaliya xilalka ay haystaan.

Madaxweyne Gaas wuxuu marar badan ku cel celin jiray in uu la dagaalamayo musuqmaasuqa, taasoo la tilmaami karo in wax uusan ka qaban.

Sanadkan horaantiisa wuxuu qabtay kulan la xisaabtan xukuumadiisa ah,  dadweynuhu ay kala socdeen media iyo Saxaafadda. Balse Bulshada way u muuqatay tayo xumada ka muuqatay Xukuumada gaas markii ay ka hadlayeen howlahooda shaqo.

Mid iyo labo wasaaradood marka laga reebo inta badan waxaa iska cadaa in wax aanay qaban Xukuumada Gaas ku weegaaran

Waxaa bulshada guud ahaan hadal hayeen inuu Gaas  garoowsan yahay dal daloolada ka dhex jira Golihiisa Xukuumada, balse uma muuqato wax weyn inuu ka qaban karo. Waqti la is odhan karo Dowlada Gaas waxaa xilligiisa uun ka harsan wax ka yar Laba Sanno.

Puntlandtop.net. Bosaaso Puntland

Isha wararka xaqiiqda ah.

This post has already been read 162524