Gaas oo Agaasime u magacaabay Madaxtooyada Puntland

Gaas oo Agaasime u magacaabay Madaxtooyada Puntland

0
SHARE

Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay agaasime cusub kadib markii uu xilkii iska casilay agaasimihii Madaxtooyada Puntland Deeq Saleebaan.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas, ayaa Cabdinaasi Biixi Soofe loogu magacaabay xilka uu banneeyay mudane Deeq.

Waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Gaas in Biixi uu yahay shakhsi kasoo bixi kara howsha loo igmaday.

Arrinta is-casilaada Deeq ayaa siyaabo kala duwan loo dhigayaa, waxaana wararku sheegayaan in Agaasimahaas hore Xilal ka raadinayo dowladda dhexe.

Halka warar kale sheegayaan inuu kamid noqonayo wasiirrada Puntland, maadama Madaxweynuhu isku shaandhayn samayn doono maalmaha soo socda.

Arrintan ayaa u muuqata mid ay isla ogyihiin Labada Mas’uul ee Deeq iyo Sulaymaan maadama waraaqda magacaabista ay Ku taatiikhaysantahay shalay, halka is-casilaadda iyo magacaabistuba dhacday maanta.

Soofe ayaa soo noqday Agaasimaha ciidanka Hadda Puntland.

This post has already been read 43524