Dr GAAS OO MARLABAAD INKIRSAN HESHIIS DHIIG BADANA KU DAADAN DOONO BIXINTA...

Dr GAAS OO MARLABAAD INKIRSAN HESHIIS DHIIG BADANA KU DAADAN DOONO BIXINTA WAQOOYIGA MUDUG OO UU RAACSHAY GALMUDUG STATE

0
SHARE

Madaxwaynaha Galmudug state Abdikariin Xuseen Guuleed.

Mr Guuled waa nin da dhexe ah ama la orankaro dhalinyaro marka gaar ahaan la eego xaga siyaasada dada ku jirta caalamka oo darajadiisa oo kale gaarta.Guuled waa nin fir fircoon oo u soo shaqeeyay qaranka soomaaliyeed,kana soo qabtay xilal sar sare ee heer wasiir ah.waxa uu nasiib u yeeshay in uu noqdo madaxwaynihii u horeeyay ee ay yeelato GALMUDUG STATE oo kamid ah maamul goboleedyada fadaraalka soomaaliya kamidka ah.Guled dawlad ama maamul goboleedkiisa waxaa si buuxda u aqoonsaday dawlada soomaaliyeed ee fadaraalka ah iyo beesha caalamka oo sibuuxda uuga soo qayb galay doorashadiisii uu ku guulaystay 4.6.2015 kii kana dhacday caasimada ku meel gaarka ah ee GALMUDUG cadaado.

GALMUDUG sida madaxwaynaha soomaaliya xasan sheekh iyo raysal wasaaraha soomaaliya cumar cabdi rashiid ay ogolaadeenba waxaa weeye oo ay ka koobantahay laba gobol oo kala ah gobolka mudug iyo gobolka galguduud,tanoo lawaa fajiyay dastuurka iyo axdi qarmeedka soomaaliyeed ee fadaraalka ah sida uu qabo.marka laga soo tago shacabka beenta lagu maaweelinayo iyo khiyaanada doqonimada ah ayaa runtu waxay tahay in puntland,iyo koonfur galbeed,jubland iyo dawlada dhexe ee fadaraalka ahiba si buuxda ula shaqeeyeen GALMUDUG oo ah maamul lasiman iyaga.waxaa intaa dheer in beesha caalamkuna arintaa la qaadatay soomaalida oo ay aqoon sanyihiin GALMUDUG si dastuuri ah oo sharci ah.xaqiiqdii u danbaysay waxaa hada cadeeyay Madaxwayne Guuled ee hoos ka dhagaystay hadaad ii qaadateen in aan wax aan jirin sheegayo dhagaysta maqal iyo muuqaalba.arinkaasi waa sidaa runtu raga kama nixiso.Madaxwaynaha puntland dr gaas kama jawaabi karo arinkaa dhabtuu lasocdaa.

Waxaa kale oo aan idiin cadaynayaa in puntland ay sixiixday ogolaatay kamid tahay nidaamka geedi socodka ee loo guurayo sanadkan laguna dhisayo dawlad soomaaliyeed,tanoo lagu heshiiyay in lagu dhiso 4.5,dawlada dhexe iyo maamul goboleedyada shirkii mugdisho ayaa layskula qaatay si wada jir ah.isla markaana xiligaa waxaa la adkeeyay in shirka turkiga ka dhacayana loowada dhanaado waana loowada dhamaa ka qayb galkiisa.waxaana arintaa si cad oo maqal iyo muuqaal ahba inoogu cadeeyay raysalwasaare cumar oo kii muqdisho inoo cadeeyay hada kahor kan turkigana inoo cadaynaya hada in puntland ay kamid tahay,kaliya madaxwayne dr gaas cudur daartay oo uu ka aqbalay cudurdaarkaas.wixii kale ee warar ah ee arintan ku saabsan waa dublamaasiyad siyaasadeed oo shacabka puntland ku wajahan oo kaliya inta laga gaarayo soo xulida xubnaha baarlamaanka oo  bilayar kadib dhacaysa dhabtu waa sidaa.madaxda puntland waxay shacabkooda u khayaamayaan aduunkiibaa layaaban iyo soomaali oo idil waana taariikh madaw.unnamed(1)

GALMUDUG STATE halbaan leeyahay PUNTLAND iyana halbaan leeyahay.

GALMUDUG waxaan leeyahay la imaada maskax wayn oo kabalaaran tahada aad ku dhaqmaysaan.waa taqaan beelaha,tuulooyinka,dagmooyinka,iyo bulshada dagan mudug iyo galguduud,gaar ahaan kuwa mudug hadaan ka hadlo cid idin diidan majirto idinkaa kasban waayay bulshada mudug dagan oo idiin heelan.waan oganahay inagaa isleh walaalo ah wada dagan mudug balse goormaad noo timaadeen oo aad maamulkaad dhisteen xuquuqdayadii naga siiseen? yaa idin diiday? maxaad ku samayseen ragii idiin yimid yaa ragaa idiin waramay oo aad warkoodii qaadateen kadibna iridii ka xirateen oo danbinkii laydiin dhigay ku dhacdeen? waa jiraan beelha mudug qaybkamid ah inay madaxwayne kahelaan garoowe,waa jiraan in xubno iyaga kabadan ama uqalma ay ka helaan garoowe,waa jiraan in ay maamulka gaalkacayo dhaxal u haystaan kaligood kuwani kuma ogola waayo wax bay haystaan oo rag qardho dagan iyo garoowe yaa maamusha inaga mudug daganba inala xeer maha waa niman meel looga yeerto ogoow taas.saas oo ay tahay iyaga qudhooda qaybaa inaraba mudug ahaan u yeero qaybahaas,beelaha kale oo dhan ee dagan waqooyiga mudug waa kurabaan waayo cadaalad daray ku qabaan puntland waadna ogtahay bal car sheeg waxa ay ku haystaan inay kamid yihiin puntland? waa ku dulmanyihiin sidaad ogtahayba. waxaa hadaba nasiib daro ah in Mudane Guled adigiina aad kuwaa xaqdarada iyo cadaaladarada looga kala cararayo lamid noqoto ogoowna kuma doonayno maamulkaaguna meel ma gaarayo hadaadan noo cadaalad falayn.

Guleed soomaali baynu wda nahay mudug baynu wadanahay kalama maarano waa ku rabnaa,gobol noo dhig aan wada hadalo si caadalad ah noosii waxaan shalay kawaynay kuwii dadka noogu xigay,hadaad yeeli waydo hade sidee xukunkaagu usocon kii ila dhashay ayaan ka diiday cadaalad cume ee? waxaad ogaataa soomaalidu cadaalad unbay rabtaa ninkii siiya nin walba cadkiisaya iyo waxa uu mudan yahay ee aan xaqirin waa rabaan waana lashaqaynayaan oo u dhimanayaan.Mudane madaxwayne Guuleed dad isku beel ah waxaa ka fiican dad wada kala beel ah oo soomaalinimo isugu yimaada iyo cadaalad tanaa walaalnimada dhabta ahi ay tahay.laakiin sidaan aragno nin dadkiisa waqooyiga mudug kasban kara uma muuqatid hadaadan wax iska badalin masheegin. mudug iyo galguduud adaa ah madaxwaynaha sharciga ah kasbo guleed dadkaaga waana kusugaynaa. madax waynaha garoowe fadhiyaa puntland buu u yahay uma aha mudug sida sharciga ah.

PUNTLAND waxaan leeyahay dr gaas heshiis buuxa ayuu kula jiraa galmudug,heshiis buuxa ayuu kula jiraa dawlada fadaraalka ah madaxda sare sida  raysalwasaare cumar cabdi rashiid iyo madaxwayne xasan way ka dharag san yihiin arinkaan riwayada cusub.Cida la khiyaameeyay waa shacabka puntlan,sidii shalay uu ugu khiyaameeyay 4.5 ayaan diiday!! shacbabka taasoo aan in badan u cadaynay runta ah in uu sixiixay mar hore. maxaayeelay waxaanu ognahay si dhawna ula soconaa halka aymarayso siyaasada somaaliya iyo halka lagu wado mustaqbalka intaba. waxa uu wareerinayaa maha khiyaano uu khiyaamayo cidkale ee waa  shacabka masaakiinta ah ee puntland.Marka laga reebo xisbigiisa  oo khiyaanada kula socoda. Faroole iyo Cali xaaji iyo Gaas arintan waa u dhan yihiin. miyaad haysaan dr gaas oo u jawaabay guuleed? laakiin waad haysaan isagoo nacamleh oo la fidhiya oo wax la sixiixanaya!! miyaad haysaan dr gaas oo u jawaabay raysalwasaare cumar cabdirashiid? maya laakiin waad haysaan isagoo foorara oo madaxa luxaya sida arday macalinkiisii u duubay!! yaa masuulka ah puntland oo arimahaan ka jawaabi lahaa? aaway madaxwaynihii lagu aaminay masuuliyada balaaran ee puntland? yaa idin yiri khiyaano iyo been baa shacab lagu maamulaa oo sidaa ayaa ah siyaasad? cumar cabdirashiid ayaa ah masuul marwalba u sheegay puntland runta iyo dhabta jirta.mahad baana u celinaynaa sharmaarke.

Waxaa layiri wanku ilaa la bireeyo indhihiisu cirka ma arkaan,shacabka puntland waxba ma fahmayaan miyaa ilaa ay arkaan arin ku timid mooyee wax kale? dr gaas in uu daba dhilif eihtiopia iyo shisheeye u adeegaya oo dal iyo dad iyo diin midna aan shaqo ku lahayn in uu yahay ma arkaan miyaa? nin lacago uruursi u jooga una yimid puntland in uu yahay ma arkaan miyaa? wax iskuma falan oo gaalo iyo islaamba caalamkii been la hortaagan oo ilaahay aan aqoon in uu yahay ma arkaan miyaa? qawlka kiisa runta ah in uu san aqoon ma arkaan miyaa? Hadalka nabigeenii inoo sheegay ee laga soo wariyay ma aragtaan miyaa ee ahaa beenaale kamid maha umadayda? mise qabiilka iyo diinta qabiilkaan dooranay?ceebaa u taala puntland. bal ufiirsada hada madaxwayne xasan sheikh afka waad ku taagi taqaanaan iyo mogdisho laakiin dulmiga dr beenaale iska qaban maysaan?

Taladaydu waxaa weeye waa aragnaa meesha xaal maray ee in mudug aysan iswaalin kala dhuuman ee ay kamid noqoto galmudug state oo ay ku biirto heshana xubnaha baarlamaan,mar hadii madaxii puntland sida dr gaas   ogolaaday oo raaceen galmudug maha hadana inay hoosta ka dhahaan diida galmudug shacabka oo la jahowareeriyo.tani waxay keenaysaa in laysku dilo dadka mudug dagan oo walaalaha ah si macno daro ah sidii waaga dhawayd dhacday oo kale.mudug ma noqon karto puntland waxaa ka haboon galmudug.laakiin talo maha aqli maha islaamnimo maha in dr gaas  u qoslaan oo heshiis layihiin guleed hadna shacabka mudug u sheegaan inay diidaan galmudug iyo guuleed oo macnuhu yahay isdila shacaboow  idinku oo wiilshiina ha u dhintaan danta kursi ee aan leenahay.warmaxa dadka laysugu dilayaa? maxaa beenta loo wadaa maanta oo dhan? war yaa la khayaamayaa? shacabka waqooyiga mudug haka dig toonaadeen dhagartaa wiilashooda lagu khamaarayo oo macno darada loogu laynayo.nin waliba tolkii iyo wiilashiisa ha ka ilaashado nimankaan fidnada wada ee ka ganaacsanaya dhiiga umada soomaaliyeed.ninkii somaali ku dhibay fadaraal in maanta uu ka cararayo waa ila amakaag!!! beelaha waqooyiga mudug dantooda ha gartaan iyo meesha ay kahelayaan cadaalad iyo sinaan iyo soomaalinimo dhab ahaan soomaaliya uma baahna fadaraal mana noqon kartaba.sharciyana mudug hada waa galmudug maha puntland hadaan dawlada oo dhan diidayno iyo hadaan fadaraalka diidaysaan hade is cadeeyo dr gaas.

                                                        Gabagabadii

Waxaa ilahaboon ilana quruxbadan waqooyiga mudug puntland iyo galmudug inay raacdo galmudug marka loo eego dhanka cadaalada iyo soomaalinimada.waayo fiiri beelha dagan waqooyiga mudug ee 18 sanadood kamidka ahaa puntland,marka laga reebo hal jifo oo lasiiyo madaxwayne iyo xubno baarlamaan iyo wasiiro,islamarkaana lasiiyay awood ay galkacayo dhaqaalaheeda iyo gudoomiye iyo duqa magaaladaba ku haystaan,kuwan mooyee oo ah xisbiga 18 sanadood haysta puntland kursiga madaxayne  yaa wax ku haysta puntland mudadaas dheer?wax cadaalad ah iyo sinaan midna kama jirto oo xubnaha baarlamaan looma sina,kursiga madaxwayne cid baa loo xukumay,ilaha dhaqaalaha cidbaa loo xukumay.puntland waxay noqotay hooygii cadaaladarada soomaaliyeed.ayadoo taa laga duulayo waxaa ka fiican wax wada qaybsiga beelaha kala duwan oo si soomaalinimo ah wax u wadagaya,markaa mudug iyo galguduud waa dawlad goboleedka ugu fiican waayo waa beelo kala duwan tanaa muhiim ah.marka layska dhaafo caadifada qabiil sidan ayaa xaq ah saxna ah.qabiilku dadgaara yuu waxsiiyaa sidaa puntland loomana baahna.ninka mudug dagan ee garoowe laga maamulayo warkii kuma jiro mana aqbalayno dulmi iyo eex iyo qabyaalad xaqayagii lagu duudsiyay.adeer waxan soomaalino kuwaayay hayga maqnaado mana doonayo xaq aana lahayn ee kaygii ayaan daba socdaa.

Dr Gaas shalay ayuu ahaa kii labaxay magaca hada loo yaqaano ee ah DR BEENAALE,kadib markuu meel walba ku inkiray oo dafiry in uu sixiixay qaybna ka ahaa heshiiskii mogdisho 4.5 lagu go aamiyay.markuu uugu sheekeeyay shacabka puntland dal iyo dibadba waan diiday 4.5 laakiin beentiisii soo afjarantay oo fashilmay kadib markuu miiska lafuulay wadaniga wayn sharmaarke oo soo afjaray arinkaas.Hadaba DR BEENAALE hadaan qabiil ku haynin kursiga xaq umalaha in uu fadhiyo kol hadii uu shacbkii amaanada uu u hayay sidaa u khiyaameeyay oo fashilmay.Aduunyada kama dhacdo in dal shacabkiis sidaa loogu tunto xuquuqdooda iyo dalkooda iyo karaamadooda,hadaba maa daama uu il a gartay in uu kursiga reer ahaan u leeyahay tolkiisna xoog ku ilaalinayaan oo ku difaacayaan ayuu hada bilaabay in hadana DR BEENAALE been tii hore ka khatasan puntland ku iibsado lacagtii tii hore kabadana ku helo.

Dr beenaale waxa uu iibiyay gobolka mudug,kamana tirsana hada waqooyiga mudug puntland laakiin heshiiskaas sidaan horaba idiinku sheegay hadana ogaada in uu gatay waqooyiga mudug.been buu idiin sheegayaa.waxaa yaab ah xataa lacagtii 1.500,000 oo doolar ahayd ee loogu dhiibay in uu madax tooyo kaga dhiso Galkacayo wuu lunsaday!! beenta waxa uu kaga daray iimaan la aanta dalkoo dhan waa iibsanayaa kani ogaada.ogaada shacabka puntland hadaa tihiin gar maha in galmudug aan kula doodno mar dhaw waqooyiga mudug waa puntland!! maxaa yeelay madaxwaynihii puntland ayaa galay heshiiskaan. arintan dhiig badan baa ku daadan galkacayana waa dumaysaa ogaada waxaana keenay xisbiga xagjirka ah ee haya talada puntland madaxwaynahooda oo ay uugu sacaba tumayaan wax hoogooda iyo halaagooda ah.heshiiskaan waxaan ogayn oo laga qarsaday beelaha mudug waqooyi daga marka laga reebo beesha madax Wayne dr gaas oo ku jirta heshiiskaan si buuxda.beelaha dagaankan ee la khiyaa meeyay dhagartana loo dhigay waa inay hor fariistaan madaxwaynaha galmudug iyo beeshiisa si cadna oo xalaal ah loo wada dhistaa maamulka galmudug si loo kala baajiyo dhiiga faraha badan ee soo foole si wayna aanu ulasocono.

Yuusuf Cumar Mashruuc5@hotmail.com

This post has already been read 111224