Dowladda Gaas waxay sahlaysa in Qaar ka mid ah Beelaha Puntland...

Dowladda Gaas waxay sahlaysa in Qaar ka mid ah Beelaha Puntland martigeliyaan Xoogaga Daacish iyo wax ka halis badan.

0
SHARE

Gurucnaanta Siyaasadeed ee Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay C/weli Maxamed Cali gaas wuxuu waqtigu ka lumayaa Gaas inta uusan baran qaar ka mid ah Beelaha Puntland iyo dhaqamada hoos yaal Xukunka deegaanada Qabaa’ilada dega Puntland meelo badan oo Bari,Sanaag  iyo Sool ah.

Deegaanka buuraha Galgala xoogaga ka dagaalamayey waxay asal ahaan ka soo jeedaan dadkii baritaarayey Qoyska laga riday Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xasan Shire, markii uu xilka qabtay Gudoonka Baarlamaanka waxaa aad u yaraaday khatarta Shabaab ee deegaanada Sanaag  iyo Buuraleyda uga imanayey Dowladda Puntland.

Waxa ay dad badan aaminsan yihiin in Beesha Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Siciid Xsan Shire ee Warsangeli Dubeys ay ku waayeen mid ka mid ah sadexdii Xil ee ugu sareysay Puntland, taasoo ah Guddoonka Baarlamanka Puntland oo tan iyo xilligii la dhisay Puntland ahayeen laga soo bilaabo  Yuusuf Xaaji Siciid oo ka soo jeeda Beesha Warsangeli Dubeys iyo Siciid Xasan Shire iska casilay markii dagaal gudaha Xukuumada Gaas looga abaabulay.

Beesha Dubeys ee Warsangeli xeelad iyo siyaasiyan wuxuu ahaa  Ninka la oran karo wuu u yareeyey Khatartii Dowladda Puntland uga imanaysay dhanka Shabaabka deegaanadooda ku  leh fariisamaha Ciidan,

Waxaa kaloo la oran karaa  Siciid Xasan shire Khatartii shabaab uga imanaysay deegaanadooda waa hor-istaagay inay u soo gudbaan deegaanada kale ee Puntland waxaana la helay amaan buuxa  intii uu gudoonka baarlamaanka ku guuleystay, wuxuuna Guddoomiyaha is casilay ee Siciid Xasan Shire  si aad ah gacanta ugu hayey dhamaan odayaasha dhaqanka iyo wax badan oo ka mid ah Madaxda Beesha Dubeys ee Warsabgeli.

Siyaasadda Beesha hogaaminteeda waa mid ka mid  ah waxyaabaha Madaxweyne Gaas uu ku waayo karo amaanka uu ku faano oo ah mid siyaasiyaan ku dhisan Rabitaanka Beelaha ee aan ku dhisneyn Ciidamo isku heyb ah oo meel looga sameeyo fariisimo.

 

Waxaa kaloo muuqanaya in Beelo badan oo degan Gobolka Bari si aad ah u saluugsan yihiin siyaasiyan sida uu awooda u qeybiyey Madaxweyne Gaas. Taasoo aad moodo inuu raacay qaar ka mid ah waxyabihii fashilanka iyo amaan daradda u sabab ahaa.

Kacsanaanta Beelaha ee ka aloosan Deegaanada Sanaag iyo Bari oo isku xirmaa waxay halis amaan darro oo soo laabataa u tahay Deegaanada Puntland in xataa fariisimo xiriir martiqaad ka helaan xoogaga Daacish taageersan iyo kuwo ka sii halis badan, taasina waxaa sababaysa siyaasad Xumada Xukuumada Madaxwyene Gaas oo ah mid tayo Bad iyo Berri ku laheyn awood Siyaasadeed oo is ogolaansho Qabiilada deegaanka ku dhisan.

Siyaasadaha qeybsanaanta Beelaha qaar iyo saluuga Awooda Siyaasadeed oo laga godoomiyey waxay dhalinaysa waqti si deg deg ah u dheereynayaa inay isku xirmaan beelo kala fog oo dhaqaale iyo siayasiyan looga faa’iideysto.

 

Puntlandtop1@gmail.com

 

 

This post has already been read 167524