(Dhagayso ) Suldaan afguduud oo isimada gobolka bari ugu baaqay inay soomaali...

(Dhagayso ) Suldaan afguduud oo isimada gobolka bari ugu baaqay inay soomaali wayn wax ku darsadaan

0
SHARE

Suldaan cabdi-caziz af-guduud oo kamid ah odayaasha dhaqanka puntland gaar ahaan gobolka bari ayaa xili uu magaalada muqdisho warbaahinta kula hadlayey ku eedeeyey madaxweynaha puntland c/weli maxamed cali gaas in xil ka qaadistii gen.c/risaaq afguduud ay hayd mid qabyaalad cad ah islamarkaana ay talaabo qaadi doonaan

Suldaan af-guduud ayaa tilmaamay in mudo 26-sano ah ay u dulqaadanayeen dadkii bur buriyey dowladii dhexe ee Somalia ee madaxweynaha ka ahaa alle ha u naxariistee maxamed siyaad bare islamarkaana aysan dhici doonin inay mar kale u dulqaataan ee ay dib u yagleeli doonaan qaranimadii umada soomaaliyed waa siduu hadalka u dhigaye

Sidoo kale suldaanka ayaa baaq u jeediyey isimada gobolka bari ee puntland isagoo farta ku fiiqay in gobolka bari uu noqon doono mid looga taliyo magaalada muqdisho ee ay maamusho dowlada dhexe ee Somalia

Geba gebadii ayaa suldaanka oo hadalkiisa laga dareemayey caro xoogan ayaa tilmaamay in dadka soomaaliyeed ay u tashadaan sidii ay ayahooda uga tashan lahaayeen oo qof kastaaba uu ugu xisaabtami lahaa gobolka uu kazoo jeedo .

Si kastaaba ha ahaatee hadalka suldaan ka ayaa kusoo beegmaya xili dhowaan xilka qaadis uu ku sameeyey madaxweynaha puntland taliyihii hore ee ciidanka booliska puntland gen c/risaaq afguduud

Halkaan ka dhagayso

This post has already been read 174324