Dawladda Puntland oo dhowaan soo Bandhigaysa Qorshaha ay u diyaarisay Doorashooyinka Soomaaliya...

Dawladda Puntland oo dhowaan soo Bandhigaysa Qorshaha ay u diyaarisay Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2016-ka

0
SHARE

3Dawladda Puntland ayaa dhowaan dadweynaha Soomaaliyeed uso Bandhigaysa Qorshaha ay ugu tala gashay Doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya sanadka 2016-ka,xilli Puntland ay horay uga digtay in Dawladda Federaalku ay samayso muddo kororsi.

Hadalkan ayaa Dawladdu ay ku sheegtay Warsaxaafadeed kaso baxay ka dib markii uu maanta oo Khamiis ah soo dhamaaday shirkii  Golaha Xukuumadda Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa sido kale ay Dawladdu uga hadashay waxa Dawladda Soomaaliya ay ku tilmaantay Sharciga Batroolka ee ay horgaysay Xildhibaanada Soomaaliya,waxaana Puntland ay ka digtay in Sharci aan  loo dhamayn oo aan laga samayn wada tashi u dhexeeya Ummadda Soomaaliyeed ay Ansixiyaan Golaha Wakiiladda Soomaaliya.

Intii Kulanku uu socday ayaa waxa kale oo looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Amniga,Xeerka Nidaaminta dhismaha magaalooyinka,Xaaladda Gobolka Sool iyo arrimo kale.

Warsaxaafadeedka kaso baxay shirka Golaha Xukuumadda Puntland oo Nuqul ka mid ah uu soo gaaray Warsidaha Puntlandi,ayaa u qornaa sidan;-

Golaha-1

2

 

 

 

This post has already been read 33724