Beesha Siwaaqroon ‘Kursigayagii Gobolka Bari Madaxweyne Gaas baa sooryo u siiyey...

Beesha Siwaaqroon ‘Kursigayagii Gobolka Bari Madaxweyne Gaas baa sooryo u siiyey Seediyadiis Reer Qardhood” Baaq Beeshu dirayso

0
SHARE

gaas iyo cadaaladaiisaWaxaa la yaabnay oo wax aanan weligeen arag ah Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas inuu Beesha Siwaaqroon duudsiiyo Kursigii Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bari ay horay u lahayeen weligoodna fadhin jireen.

 

Madaxweynaha wuxuu Kursigaas u siiyey u siiyey Sooryo Seedigiis Reer Qardhood, waxaan arki jirnay Dhaqaale iyo xoolo yarad loo bixiyo weligeen ma maqal mana arag Xubin kursi Siyaasadeed oo Beel ka mid ah Beelaha Gobolka Bari ku fadhido in Madaxweyne Gaas sooro u siiyo Seediyadiis reer Qardho.

 

Madaxweyne Gaas wuxuu horay noo siiyey Wasaarada Naagaha, hadana wuxuu nooga qaaday kursigii aanu ku laheyn weligeen Gobolka bari ee gudoomiye xigeenka 1aad Gobolka Bari inuu naagtiisa ina adeerkeed nooga qaado. “Ari intaas mana qabataa Toloow”

Madaxweyne Gaas haduu Maaliyadii Sooryo u bixiyo, Gobolka Bari kui xigeenkiisa Sooryo u siiyo Seedadiisa Reer Qardhood, Degmada Boosaasona sooryo doonayo inuu u siiyo Xididkiis oo ma Reerka Gabadha Puntland oo dhan siinaysa Mudane Madaxweyne????  “Ar Bal Dhugta”

Anaga hadaanu nahay Beesha Siwaaqroon maxaa naagaha nagu soo celiyey oo nalooga dhigay ma tafaful baa garan weynaye. Beeshu maanta laga bilaabo waxaan cadeynayaa inaan kalsoonidii aanui ku qabnay dowladda kala laabanay oo aanu mar aan u tagnay Madaxweynaha aanu wax na qanciya noo sheegin wuxuuna noola hadlay si jilicsan oo aan fahmi weynay.

 

Waxaan kaloo beelaha Gobolka Bari ugu baaqaynaa inay isugu yimaadan fadhi ay kaga arinsanayaan arrimaha murugsan ee Deegaanka Puntland gaar ahaan Gobolka bari ka jira looga wada tashado.

 

Madaxweynaha Puntland Mudane, C/weli Maxamed Cali Gaas waxaan leenahay ka jog cadaalad darada Beelaha dhexdooda aad u kala sadburinayso. Puntland waxay maraysa Ciil-qab iyo is naceyb Beelaha dhexdooda oo ka dhashay sadbursi kursi iyo eex qabyaaladeed, taasoo sababi karta Bur bur ku yimaada hanaankeena Dowladeed hadaan deg deg wax looga qaban.

 

Wabilaahi Towfiiq

 

Waxaa Baaqan soo gaarsiiyey Puntlandtop

Nabadoon Oday Ciise Cal-Bari Caluula gardafuul

This post has already been read 59624