Beelo ka soo jeeda Deegaanka Bosaaso oo u gudbiyey Dacwad Maxkamadda...

Beelo ka soo jeeda Deegaanka Bosaaso oo u gudbiyey Dacwad Maxkamadda sare Puntland

0
SHARE

Sideed iyo Toban Beelood oo deegaanka Boosaaso dega ayaa u gudbiyey Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland Dacawad ka dhan ah Dhismihii Golaha Deegaanka Boosaaso ee Khasabka iyo afduubka lagu dhisay.

Beelaha Dacwada u gudbiyey  Maxkamadda Sare ayaa  horgeeyey cadeeymo muujinaya sida ay u baal-mareen uguna tunteen cadaaladii iyo sinaantii laga rabay inay u sameeyaan Guddigii dowladda u soo xilsaartay Dhismaha Golaha Deegaanka Boosaaso.

Beelaha Dacwadda gudbiyey ayaa xalka ugu dambeeya u arka haddii aan si deg deg ah dowladda wax uga qaban Dacwadooda in aanay sii eegan doonin dulmiga iyo khasabka lagu yagleelay Golaha Deegaanka Boosaaso oo ay ka dhiidhin doonaan haddii aanay dacwadooda socon oo wax laga qaban.

Cadaalad daradda Beelaha deegaanka Boosaaso ka dhawaaqayaan ayaa madaxda dowladda u arkaan mid iska dami doonta oo aan wax ka soo qaad laheyn, balse dadka aqoonta dheer leh ee waayo-araga ah ayaa ka welwelsan in khilaafka laga dhex abuuray deegaanka Boosaaso sabab u noqon karo fowdo iyo shaqaaqooyin gacan ka hadal dhalin kara haddii la fududeeysto.

Waxaa laga war-suagayaa Go’aanka ay gaadho Maxkamada sare oo ah halka laga filayo in cadaalada iyo garsoorka dalka oo lagu kala baxaa uu yahay ilbaxnimo wadaniyadeed loogana baaqsankaro waxkasta oo halis iyo dhib keeni kara.

Puntlandtop.com

 

This post has already been read 77424