Axmed Cali Xaashi oo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland

Axmed Cali Xaashi oo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland

0
SHARE

Murahax Xidhibaan Axmed Cali Xaashi ayaa ku guulaystay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka dowladda Puntland, kadib markii kusoo baxay wareegii ugu  dambeeyay ee doorashada gudoomiyaha.
Musharaxa guulaystay ayaa helay codad gaaraya 41, isagoo ka guulaystay murashax la tartamayay  Cabdixakiin Dhoobo-daareed oo isagu helay codad gaaraya 22, Waxaana halkaasi kusoo idlaatay doorashada gudoomiyaha barlamaanka Puntand oo waayahaan si weyn looga sugayay Gobolada Puntland.
Gudoomiyaha cusub ayaa buuxin doona booskii uu baneeyay Siciid Xasan Shirre oo dhowaan iska casilay xilka guddoomiyaha barlamaanka Puntland, kadib markii barlamaanku ka keeneen Mooshin.
Waa gudoomiyihii lixaad ee barlamaanka Puntland lagasoo bilaabo tan iyo markii la dhisay dowladda Putland sanadkii 1998-dii.

 

puntlandtop.net

This post has already been read 36924