1-da Aug 2015 maloo dabaal degayaa mise waa loo Baroor diiqayaa? ...

1-da Aug 2015 maloo dabaal degayaa mise waa loo Baroor diiqayaa? W/Q: Said Sheikh Isse Qeytii 2aad.

0
SHARE

maqaal1-da Aug 2015 maloo dabaal degayaa mise waa loo Baroor diiqayaa?

W/Q: Said Sheikh Isse

Qeytii 2aad.

Email: Siciid1717@gmail.com

Waxaan qeybti 1aad   ee qormadaan  uga soo hadalnay qeyb ka mid ah mushkiladaha iyo siyaasadda gurracan ee uu la kowsadey maamulka hadda jira iyo kuwo horay jirey lakin uu ballanqaaday inuu waxka qaban doono hase ahaatee noqday ballanqaad lagu hungoobey, qeybtaanna waxaan kaga hadlayaa qodobo kale oo kuwaas daba socda.

Dhanka siyaasadda puntland.

Dalki oo dhan wuxuu galay go’doon uu kaga  jiro Caalamka iyo Dawladaha  Jaarka, dhamaan waxaa istaagey cilaaqaadki horay ujirey mid cusubna lama abuurin , taa bedelkeedi waxaa lagu mashquulay samayn colaad aan hora ujirin iyo khilaaf  iyadoo la xeerinayo dano gaara iyo damac shaqsi, Sidaa darteed puntland uma baahna Cunaqabatayn iyo Colaad Gacan ku rimis ah oo uu sababo Nin shalay Diyaarad  kuyimi Berrina Diyaarad  ka raacaya.

Baahinta maamulka heer degmo ilaa heer Tuulo.

17 Sano oo puntland jirtey maamulka ma dhaafsanayn Magaaloyinka laamiga ah Bosaso ilaa Galkacayo, marka laga reebo dhawr  degmo oo si gaar ah loo naasnuujiyo, lakin aanan jeclayn inaan halkan ku xuso magacooda, marna lama hindisin in Dalka lawada gaaro oo dawladnimada la ballaariyo. Maahmaah Somaliyeed ayaa ahayd “ Ma quuste isagaa quus ah”  Ballanqaadki faraha badnaa ee Mr Gaas waxaa ka mid ahayd inuu isagu noqondoona kan jebinaya derbiga kuwii ka horreeyey isaga ka gudbi waayeen, oo uu soo afjari doono maamulka laami joogga ah, oo uu tegayo Degaanada fogfog , inkastoo uu maray dhawr Degmo oo laamiga ka baxsan hadana waxey noqotay ku arkay oo kaa tegey iyo dalxiis lakin ma jirto wax waxqabad ah iyo adeeg dawlo oo ka hirgalay dhulki uu booqday  Mudane Gaas.

Shaqo la’aanta iyo Tahriibka ubaxi puntland oo Badaha ku le’anaya.

Waxaa sanad kasta kazoo qalin jebiya Dugsiyada Sare, Macaahidda iyo jamacadaha Boqolaal dhalin yaro ah, kuwasoo marka hore hamigoodu ahaa shaqo iyo mustaqbal fiican lakin waxey niyad jab iyo quus noqdaan markey waayaan riyadoodi ahayd iney mahadiyaan aqoonta iyo xirfadooda ey soo barteen, waxaa shaqooyinki qabsaday dad qurbaha ka yimid oo lagu xushay dhabar ka taabasho iyo Adeer  iitag , taasoo kordhisey numberka tahriibayasha iyo in qofkasta ku fekero inuu aado dhul aanu aqoon wax uu kala kulmi doona , dhalinyaradu waa hormarka dalkasta  , waa jiilka berri,hadaba  ka feker Dal da’yarti  ka hayaameyso maalinkasta , cid u daqmaneysana   aaney  jirin, saw mugdi iyo rajo la’aan maahan?

Wax qeybsiga iyo caddaaladda Hogaanka puntland.

Ilaa markii la asaasay maamulka puntland waxaa wax lagu qaybsanayey hab Beeleed, waana hal beegga qura ee wax lagu jaangooyo, inkastoo weligeed aan puntland dhaqan ula hayn caddaalad  , oo markasta ey jirtey Sedbursi iyo Naasnuujin , intuu udamaysey waxa ciribtiray mudane Gaas oo ku guuleytey Koobka eexda iyo kala qeybinta dadka Reer punland , ma garan karo ujeeddku inuu kayahay Tol jacayl iyo iney tahay Duminta puntland oo ey xumaan ka tahay lakin waxaa dhab ah in qalinkiisa dhan uqallooco , loona baahanyahay in latoosiyo.

Hadaba maxaa xal  ah?

Mar haddaan Dal maqan la doonayn, mar haddaan la daryeelayn Ciidanki dalka iyo Dadka difaaci lahaa, mar haddaan shaqaalihi dawladda xaqoodi helayn , Mar haddaan dan laga lahayn  dhaqaalaha  sii hoobanaya, mar haddaan dawladdi federalka lala heshiinayn  oo waxkasta oo xal lamoodo la qaadacayo , mar haddaan midnimada puntland iyo wada jirku qiimo ku fadhiyin ee koox jeclaysi  la doorbiday, mar haddii la doonayo in dadka lagu mashquuliyo waxaan waxba ka jirin iyo cidbaa duullaan inagu ah, mar haddii la diyaarsaday Makiinaddi lagu shiili lahaa dhuuxa dadka Reer puntland ma jirto Dawladnimo aan u dabaal degno iyo xus farxad leh Ee waa in loo Baroor diiqo waqtiga inaga qasaaray iyo qaran jabka inagu dhacay, sidoo kale waa inaan ka fekerno qorshe aan isku badbaadinno mar haddaaney jirin Dawlad aan isku hallayno , oo ku aaminno aayaheena.

Waa inaan isugu nimaadno  qorshe qaran , waa inaan kawada xaajoonno tala xumadi shalay iyo tiraabti Beenta ahayd . Puntland  uma baahna waqti lagu lumiyo heeso iyo mashxarad dhaqaale badan lagu khasaariyo, puntland uma baahna in godob la dhexdhigo oo laysu gudbi waayo ,  puntland waxay ubaahan tahay in geed hoostiis laysugu yimaado oo lagu guddoonsado Gacmo is qabsi iyo in hormar lagaaro.

Halkaan ka akhriso Qaybtii   1-da Aug 2015 maloo dabaal degayaa mise waa loo Baroor diiqayaa?

Wabillaahi Towfiiq

Said Sheikh Isse

Email: Siciid1717@gmail.com

 

 

This post has already been read 61024